Wasiirka Hawlaha Guud Oo La Kulmay Beelaha Sanaag Iyo Beelaha Qaarkood Oo Aan Kasoo Xaadirin

0
63

marexaan 1Ceerigaabo(Waaheen) Wasiirka Hawlaha Guud & Gaadiidka Somaliland Cali Xasan Maxamed (C/mareexaan) iyo wefti uu hofggaaaminayo oo maalin ka hor soo gaadhey magaalada Ceerigaabo ayaa wuxu shir ujeeddadiisu ahayd sidii beelaha Sanaag  looga heli lahaa qaadhaankii hore ee ay sheegeen inay waddada kaga qayb qaadanayaan balse aan weli kazoo hoyan wuxu xarunta maammulka gobolka ee magaalada Ceerigaabo kula yeeshay madax-dhaqameedka iyo waxgaradka kale ee kazoo jeeda qaar ka mid ah beelaha ku dhaqan gobolka Sanaag.

 

Shirkan oo ilaa xalayto abaabulkiisa lagu jirey islamarkaasna la filayey saaka inuu noqdo mid loo dhan yahay ayaa gebi ahaanba madashaas wax ka maqnaa beesha Sanaag-bari oo ah beel muhiim u ah wada degganaanshaha iyo wada noolaanshaha guud ahaan bulshada Somaliland gaar ahaan bulshada reer Sanaag, sidoo kalena waa beesha degaan ahaan la odhan karo way ugu baaxad weyn yihiin gobolka Sanaag maaddaama lixda degmo ee hore ee gobolku ka kooban yahay saddex ka mid ah beeshaasi si gaar ah u degaan.

Qaaddacaadda beeshaas ee shirkan ayaa ah mid si weyn la isu weydiinayey ilaa maanta mana jirto wax xaqiiqo ah oo kusaabsan sababaha beeshani uga maqnaatay shirkaas.

Haseyeeshee maqnaanshaha beeshani ayaa u muuqda mid salka ku hayo arrimo saluug ama tabasho oo dhinocooda ka jira, taasoo ay ahayd in wasiirkani hoos ugu daaddego balse aanu kala qoora-goyn beelaha reer Sanaag, kuna degdegin iyagoo kala maqan qaarkood inuu kulan danta guud kusaabsan uu la qaato. Waxana la odhan karaa tallaabadan wasiirku waa mid dhalliil ku keeni karta wasiirkan iyo xukuumaddiisaba.

Dhinaca kalena beelaha qaarkood gaar ahaan beelaha yar-yar oo madax-dhaqameedkoodu shirkaas ka hadleen ayaa sheegay in aan xaq loogu lahayn qaadhaanka waddada in la weydiiyo iyagoo taas sabab uga dhigay in mas’uuliyiinta xukuumaddu fagaarahaas kaga dhawaaqeen in qaadhaankani yahay mid afarta beelood laga doonayo, sidaas awgeedna liiska jiritaanka beel ahaaneedba aan iyaga lagusoo darin. Taasoo sababtay in cuqaasha qaarkood mikroofoonka farahooda laga marooriyey.

“Horta halkan waxa laga yidhi gobolka Afar beelood baa deggan madaxda inoo timid baana sheegtay, gobolkana afa beelood ma deggana Wasiir adigaan kula hadlayaaye toban beelood baa deggan markaa haddii la yidhi afarta beelood ayaa xoolaha bixinaya oo aniga layga reebay taasii waa Ii farxad maantay afatrii beelood wax tartay dhibtii iyo dheeftiibana afarta beelood baa sheegatay”. Sidaas waxa yidhi Chief-Caaqil-Ibraahin Cabdi Saalax.

Isagoo hadalkiisa sii watana wuxu intaas kusii daray “Anigu raggii hore xoolahaas ugu dhawaaqay kuma jirin kumana dhawaaqayo mana sheegayo maanta waayo afartii beelood ha bixiso xoolaha”.