Xukuumadda Somaliland oo sheegtay in ay Haween ka Dhigi doonto Maamuleyaasha Dugsiyada Dawlada

0
88

201533063563323654827261511102785_10206332609096863_1023243583428930047_nHargeysa(Waaheen) Wasiirul Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland Axmed Nuur Faahiye oo ka hadlayay xaflad loo sameeyay 46 arday oo ka qalin jabiyay jaamacada Edna ayaa yidhi “Anigu Haweenka waan jecelahay, runtiina waxa aynu ognahay doorka ay ku leeyihiin dhismaha dalka iyo waliba qoysaska, Hadii aynu soo qaadano Marwo Edna Aadan oo iyadu dhidibada u taagtay jaamacadan iyo waliba marwada koowaad ee dalka Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde wax badan ayay qabteen, Anaga oo taas ka duulayna waxa aanu soo wadnaa in 50 maamule oo haween ah dhawaan la magacaabo, kuwaas oo aanu ognahay in ay wax badan ka qaban doonaan horumarka dhinaca waxbarashada, waxaanad ka war haysaan in ilmuhu hadii ay kaadi qabato qofka ugu horeeya ee fahmayaa in uu yahay hooyada oo odhanaysa kaadi baa haysa, Markaa Kontonkaasi Maamule ee haweenka ah ayaanu soo wadnaa” ayuu yidhi.