Maxaad Ka Taqaana HARGEISA FOOTBALL CLUB? Yaase Aasaasay? Faallo!!!

0
126

teambossWaxaa Sanadahii u danbeeyey magaalada Hargeisa ku soo badanaaayey garoomada rooga la dhigo ee casirga ah isla markaasna dhalinyaradu ay habeenki iyo maalintiiba ku ciyaaraan gaar ahaan dhalinyarada cuslaatay iyo kuwooda wakhtigu cidhiidhiga ku yahay ee wakhti kasta shaqeeya.

Hadaba Garoomadan qaar ka mid ah ayaa waxa lagu soo kordhiyey arrin dalkeena ku cusub oo aan wali hore looga sameeyn taas oo ah in Caruurta yaryar ee da’doodu u dhaxayso 6-14 sano lagu tobabaraayo xirfada kubada cagta noocyadeeda kala duwan. Hadaba waxaanu wax ka waydiinay Mulkiilaha Akaadamiga lagu tababarayo caruurta ee la yidhaahdo Hargeisa Football Club Mr. Carafaad Jaamac Maxamed si uu faah faahin uga bixiyo shaqada ay u qabtaa Bulsha waynta Reer Somaliland. Waa kan sidu u dhacay warysigaasi

1. Goorma la asaasay akaadamiga? Muxuuse u taagan yahay inu dhalinyarada ka caawiyo

Waxaa la asaasay Akaadamiga September 2014 kaas oo maalintaas si toos ah loo fure hase ahaate waxa uu socday abaabulkiisa iyo isku diyaarintiisa Saddexdii Sanadood ee u danbeeyey. Wuxuu u taagan yahay inuu dadka gaar ahaan dhalinyarada soo korayso ka caawiyo sidii ay u baran lahaayeen kubada cagta xirfad ahaan isla markaana ay u gaadhi lahaayeen heerarka koowaad ee dalka ama kuwa Afrikaba.

2. Ma cid kale ba gacan ka siisa mise adiga kaligaa ayaa bilaabay?

Marka laga yimaado dhalinyarada Magaalada Joogta ee kubada ciyaari jirtay oo I caawisay moyaane cid kale gacan igamay siin kaligaybaanu fikirka iyo arinkuba ka yimid taas oo aan ka keenay Dalka Norway oo aan deganaa mudo badan kana mid noqday ciyaartoyda kubada cagta ee Heerka labaad iyo wlaiba Coach naadi la yidhaahdo Asker Football Club oo ah da’da u dhaxaysa 14- 17 jir

3. Dawlada ama wasaarada ciyaaraha wada shaqeyn nooceeya idinka dhaxaysa?

Wasaarada wada shaqayn guud moyaane wax toos ah oo aanu ka wada shaqaynaa ma jirto, waxaanse jeclaan lahayn in xidhiidh wanagsani na dhex maro oo ay waxyaabo badan naga caawiyaan ka akaadami ahaan iyo waliba dhalinyarada aanu soo saarno, maxaa yeelay dhalinyaradu mustaqbalka dalkay caawin doonan Wasaarada Ciyaaruhuna Waa Meesha Kaliya ee ay hoos iman doonan.

4. Imisa Jeer ba wiigi caruurta la ciyaarsiiya? Rajadoodu mustaqbalka balk a waran?

Dhalinyarada wiigi laba cisho ayey ciyaaraan gaar ahaan galinka danbe waa Khamiista iyo JImcaha oo badanka ay Fasax ka yihiin iskuuladoodi waayo ma rabno arday Kubada u soo go’a oo waxbarashadiisi ka yimaado madaama oo uu wali yar yahay da’ ahaan isla markaana

5. Adigu shakhsiya ka Carafaad ahaan aqoon intee leeg bad u leedahay Habka tobabarka kubada cagta? Meelo hore mad uga soo shaqaysay noocan ah?

Haa anigu waxan ka soo ciyaaray Naadiyo kala duwan oo ku yaala dalka Norway Isla markaana qaar kale waxan ka soo noqday Coach ama tobabare Laba Naadi oo ku yaala dalkaasi, isla markaasna xidhiidho kala duwan ban la lee yahay Dalkaas Norway Gaar ahaa Qaybta Kubada Cagta la xidhiidha.

6. Maxad u malaynaysaa Mustaqbalka inad ku soo kordhin karto mustaqbalka da’yarta dalkeena?

Mustaqbalka Dalka wax badan ayey ka tari doonta, oo xirfad ahaan ayey ciyaartoyda dalkeena kor u qaadaysa si ay u la tartaaman ciyaar yahanada Dalalka jaarkeena. Xirfad ahaan may jirin meel caynkan oo kale ah markaas rajo badan ban qabnaa in Mustaqbalka heli doono ciyaarahano wanaagsan.

Hadaba akaadamiga ayaa u muuqda mid casri oo la jaan qaadi kara aduunyada inteeda kale wax wayna ku soo kordhin kara qaab ciyaareedka da’yarteena si ay ula tartamaan dhigooda kubada cagta. Waana akaadami khaas u ah kubada cagta taas oo sahlaysa qofku ama inanka yari inuu uu helo wakhti uu kaga bogan karo kubada cagta barashadeeda iyo waliba xirfadadeeda mustaqbal ahaaneed.