Dadweynaha Caynaba iyo Allay baday oo ka Cabanaya Ceelashii Biyaha oo ka Dayacan

0
178

Waxa soo food saartay labada magaalo biyo la’aan ka dhalatay mishiinadii oo ka jabay

Caynaba(Waaheen) Dadweynaha magaalooyinka Caynaba iyo Allay-baday ayaa cabasho xoogan ka muujiyey ceelashii biyaha oo ka jabay iyo wasaaradda Biyaha oo aan illaa hada u hagaajin, iyadoo labada magaalo xaalad biyo la’aaneed soo food saartay.

Magaaladda Allay-baday oo ahayd magaaladda ugu biyaha badan, isla markaana ka cabi jirtay ceelal ay gacanta ku qotoon iyo Riig xukuumaddu gacanta ku hayn jirtay, ayey labadiiba soo food saareen xaalado kala duwan oo roob la’aaneed iyo mid ciladeed, kuwaasoo dadweynaha deegaankaasi ku nool halis ku ah nolosha xoolahooda iyo ta dadka labadaba.

Dhinaca Caynaba ayaa iyana cabashada ka soo baxaysaa ay ku salaysan tahay inuu dayacan yahay ceelkii caanka ahaa ee ay dad iyo xoolaba ka cabi jireen dadka deegaankaasi , kaasoo ay odayaal qaylo dhaan ka muujiyey tilmaameen in uu dayacan yahay isla markaana haddii ana waxba laga qaban uu saamayn xun ku yeelan doono dad iyo xoolaba.

Magaalooyinkan oo ah deegaano isugu jira xoolo dhaqato iyo beeralay ayaa lahaa ceelal loo soo arooro xilliyada ay abaaruhu ka taagan yihiin deegaamada kale ee Somaliland, hase yeeshee waxa imika labadaba soo food saaray xaalad ka duwan oo ah inay noqdeen labada deegaan ee ay duruufah ugu adage e dhinaca biyo la’aanta ahi ay haystaan.

Degmadda Allay-baday waxa lagu soo waramayaa inay ceelasho engageen marka laga yimaado dhawr ceel oo dhinaca barriga ku yaala oo ay roobabkii u danbeeyey galeen biyo kooban, halka inta badan bala-yadii dhinaca galbeedku qalaleen labadii sano ee u danbeeyey.

Si kasta ha ahaatee labada deegaanba waxay xukuumadda Somaliland ka codsadeen in ay la soo gaadho dayactirka ceelasha fadhiya, si ay biyo u helaan, iyagoo ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta haddii aanay wasaaraddu gurmad deg deg ah soo gaadhsiin.