Safaradii wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland ku tagay Jabuuti iyo Kenya oo dhaliyey dareen siyaasadeed

0
81

Dood ka taagan talaabo ay Itoobiya ku hakisay fiisayaashii ay hargeysa ka bixin jirtay oo wasiirku walaac ka muujiyey

is Hargeysa(Waaheen) Wasiirka cusub ee wasaaradda Arrimaha dibeda Somaliland Sacad Cali Shire ayaa safari is xiga ku gaalaa bixiyey Dalalka Jabuuti iyo Kenya, kuwaas oo uu kulamo dublamaasiyadeed kula yeeshay madaxda dalalkaas iyo kuwo kale.

Ka hor intaanu wasiir Sacad u ambabixin dalka Jabuuti waxa la sheegay inay wadahadal aan natiijo ka soo bixin wada yeesheen madaxda qunsuliyadda Itoobiya ee Hargeysa, kuwaas oo wax ka bedel ku sameeyey nidaamkii ay u bixin jireen fiisayaasha.

Dhacdooyinkan ayaa dood ka dhaliyey xidhiidhka dublamaasiyadeed ee xilligan, waxaanay faalooyinka soo baxayaa sheegayaan safarada wasiir Sacad inay indhaha ku soo jeediyeen in xidhiidhka dalalka uu booqday banaanka soo dhigtay in ay jirto weydnimada xidhiidhkii Somaliland iyo Itoobiya.

Ma cada sababta ay Qunsuliyada ama xafiiska Itoobiya ee Hargeysi u joojiyey fiisayaashii dalkooda lagu gali jiray, hase yeeshee waxa soo baxaya culaysyo jira dartood inay Dawladda Itoobiya u badashay hanaankeedii fiise bixinta oo sahlanaan jiray.

Labada xukuumadood midkood na kama hadal sababta fiisayaasha loo hakiyey, hase yeeshee waxa muuqda marka aad marayso jidka madaxtooyadda dadweyne tuban afaafka xafiiska Itoobiya, kuwaas oo naawilaya inay fiisayaal helaan, balse illaa hada ma muuqato rajo laga qabo arrintan, waxaanay arrintani sii xoojinaysaa jiritaanka ah in xidhiidha labada dhinac aanu sidiisii hore ahayn.

Inkasta oo ay hore u dhacday in madax ka socota Somaliland ay booqdeen dalka jabuuti iyagoon booqan dalka Itoobiya, hadana wararka soo baxayaa waxay sheegayaan in il gaar ah lagu hayo dhaqdhaqaaqa wasiir sacad ku tagay dalalka Jabuuti iyo Kenya oo ay Dawladda Itoobiya isha ku hayso, maadaama ay saamayn sadexdaas dal ku leeyihiin dhaqdhaqaaqa Mandaqada barriga Afrika.

Lama oga wasiir Sacad in uu dalaka Itoobiya ku soo danbayn doono iyo in uu toos ugu soo laaban doono Hargeysa, balse waxay wararka qaarkood sheegayaan si uu caqabada ka taagan fiisayaasha usoo xaliyo in uu kulamo kala soo yeelan doono madaxda Dalka Itoobiya.

Si kasta ha ahaatee Manadaqada waxa ka taagan dhaqdhaqaao kala duwan oo uu dal kastaa gaarkiisa isha ugu hayo waxa ka socda ama ka soo bixi doono mustaqbalka dhaw, maadaama ay jiraan xaalado kala gadisan oo saamayn ku yeelan karta hab nololeedka bulsho iyo xukuumadeed ee Geeska Afrika.