SABABAHA HESHIISYADA SIYAASADEED KU BURBURI KARAAN

0
97

Heshiisku waa dabarka u dhaxeeya  marka laba dhinac iyo wixi ka badani ay ku heshiiyaan u jeedo dhex u ah oo ay rabaan inay ka midho dhaliyaan, marka la heshinaayo waxa lagama maarmaan ah inay jiraan qodobo lagu saleeyo waxa lagu heshiinaayo si ay hadhow cadaymo dabra u noqdaa dhinaca raba inuu heshiiskii buriyo ama majaro habaabiyo.

Dhowr sababood ayaa heshiis laba dhinac iyo in ka badani wada galeen burbur iyo khilaaf ku keeni kara meeshana ka saari kara dhamaan wixii heshiiska lagu ahaa waxaana ka mid ah:

1) In labada dhinac ku yeshiiyeen Xaqdaro ama Baadil: hadii heshiiska ay inuun ku jirtay baadil iyo sifo qayrul sharci ah waa hubaal in maalin  uu burburi doono heshiiskaasi oo la kala dhaqaaqi doono maxaa yeelay Somalidu waxay hore ugu maahmaahday labadii Xaqdaro ku heshiiyaa Xaqay ku coloobaan.

2) Dad soo kala dhexgalay oo ka dhex shaqaynaaya cida heshiisku ka dhexeeyo: hadii ay jirto gacan sadexaad oo soo kala dhexgashay labadii dhinac ee heshiisku ka dhexeeyey ujeedaduna tahay kala fogaynta dadkii heshiiska ahaa waa hubaal inuu buri doono hadii aan laga gaashaaman munaaqada gacanta sadexaad kula soo dhexdhacday waayo waxa hubaal ah inay meesha ka saarayaan wixii lagu heshiiyey si ay dantooda uga fushadaan.

3) In wixii lagu heshiiyey  wax lagu daro: hadiiba qodobadii lagu heshiiyey wax saa’id ah lagu daro oo aan laysku ogayn oo ay dhinac uun ku koobnaato waxaas lagu daray halka dhinacii kalana aanu ka warqabin heshiiskii ma sii jiraayo oo meesha uu ka baxayaa maxaa yeelay khaayinimo ayaa meesha timi.

4) In wixii lagu heshiiyey  wax laga saaro: hadii sidoo kale heshiiskii wax laga dhimo oo dhinac khiyaamo sameeyo waa hubaal inuu dhinacii kale ka cadhoonaayo taasina ay dhaawac ku keeni karto qodobadii heshiiska waayo waxa laga yaaba arin labada dhinacba kala dabraayey in meesha laga saaro si dhinaca khiyaamada samaynayaa ugu fududaato danta uu ka leeyahay badalida heshiiskii dhinaca kale u dhaxeeyey.

5) Shaki soo kala dhexgala cidii heshiisku ka dhexeeyey: hadiiba labadii dhanac la kala shakiyo is aaminaadi ayaa meesha ka baxaysa oo layskuma kalsoonaanaayo arinkaasina cidhibtiisa danbe waxay keeni kartaa in lagu kala tago wixii heshiiska lagu ahaa waayo suuro gal maaha in dad aan is aaminsanayn hayaan isku ujeedo ah wada galaan.

6) Awood maroorsi iyo ismuquunin: dabcan cida heshiisku ka dhexeeyo awoodo kala duwan ayey leedahay oo sharciga ay ku heshiiyeen u xadeeyey kalana hagi doonta labada dhinac, hadaba haday timaado in dhinac ku tagri folo awoodihii dhinaca kale lana yimaado wax ka baxsan awoodihiisii heshiisku u banaynaayey waa lays hirdiyayaa oo heshiiskii ayey galaafanaysaa.

7) Marka hore inaanay isku mabda iyo ujeedo ahayn labada dhinac ee heshiiska galayaa: hadii marka horeba kala ahdaaf iyo kala ujeedo la ahaa oo aan jiho loo wada jeedin waxay caqabad ku noqonaysaa wada shaqaynta cida heshiisku ka dhaxeeyo, inta badana waa qodobka heshiisyada ay Siyaasiyiinteenu galaan faashilka ka dhiga oo ay u sii jiri waayaan.

Dhamaan qodobadaasi iyo kuwo kaleba waxay burburiyaan oo galaaftaan isla markaana faashil ka dhigaan  heshiisyada badi la galo hadaan laga gaashaaman oo an layska jirin waana ta inta badan ay Siyaasiyiinteenu la yimaadaan aakhirkana meesha ka saarta wada jirkii dadka haldoorka inoo ah.

Gundtii iyo gunaanadkii waxa haboon in aynu ka korno heshiisyada madhalayska ah ee dantii guud iyo danyartiiba curyaamiyey, dadka inoo haldoorka ahina la yimaadaan daacadnimo iyo inay sharciga u hogaansamaan oo aanay noqon qaar sida muraayad ay maalinba dantooda ka dhex arkaan ku dabaqaan doonistooda.

 

Qalinkii: Mohamoud  Ahmed  Hirsi  ( Figo)

Email: mfigo04@gmail.com

Facebook: Mahamuud Ahmed

Tell: 0634447924

SABABAHA HESHIISYADA SIYAASADEED  KU BURBURI KARAAN