BADHNA WAY TAHRIIBEEN BADHNA WAY TASOOBEEN

0
40

Sida dhabta ah dhalin teenii hablo iyo inamaba waxay u dhaxeeyaan WAJAALE ilaa iyo JARMALKA.

Intii soo hadahayna waxay ku dhaga barjoobeen hadalada nimana siyaasiyiina oo aan wax dana ka lahayn da”yarta , cid aan u danaynayn ilaa danahooda mooyaane.

Dhalinyaradii wadanka ku soo hadhay waxaa niyad jabisey siyaasad xun oo aan meelnaba haysay,sida dhabata ah dhalonyarada waxa niyad jabiyey hadalo ay kamid yihiin:

·         Hebelbaa xisbi hebel ku biirey

·         Xisbi hebel waa laysku haystaa

·         Gudoomiye hebel baa cadhooday IWM

Suaasha meesha taalaa waxay tahay yaa wadan kan hadhow mustaqbal u noqonaaya?

Aduunkan ama caalamkan aynu ku noolnahay waxa laysku dhaafay kolba sida loo tayeeyo dhalinyarada wadanka u soo kacaysa.

Intii tahariibtay waxay walaac,sharci la,aan,handadaad iyo baxsasho ay ku joogaan wadamadaa kale,kamay tageen wadan kooda lkn waxay naceen SIYAASIYIINTAA AADKA U XUN ee aan lahayn mid hoos u eega danaha dadkiisa waxa dalqadiisa gal mooyaane.

Dadweywaa horumaray waxa ugu horeeya ee ay dhisaan una xusul duubaan sidii ay u buuxin lahaayeen danaha iyo bqaahiyaha dhalintooda sida:

·         Waxabarashada

·         Caafimaadka

·         Ciyaaraha kala duwan iyo

·          technolajiyada laysku dhaafay

Nimbaa laga hayey {CEELNA UMA QODNA CIDNA UMA MAQNA } YAA SAATIR ASTUR

Dhalinyaradeenii manta waxay u baahan tahay badbaado siyaasiyiintan bilaashka ahina wax ay inooqabtaan iska daaye waaba kuwa dhabarka inaga jabiyey.

Guntii iyo gunaanadkii waxaan leeyahay waalidiinta intii aad ilmahaaga hadhow  lacag badan MAGAFE ugu diri lahayd maanta meheradyar u fur ama u guuri hadaad awoodo fadlan.

FACEBOOK :  Cabdi Caawiye Ismaaciil GUNTI-GAAB

BADHNA WAY TAHRIIBEEN

BADHNA WAY TASOOBEEN