Nin Itoobiyaan ah oo Gaabni Darteed Loogu Diiday Bayloodnimo oo Samaysanaya Diyaarad uu Arooskiisa ku Duulo

0
149

ninAddis Ababa (Waaheen) Nin Itoobiyaan ah oo loo sheegay in aannu baylood noqon karin dhererkiisa oo gaaban darteed, ayaa go’aansaday inuu muujiyo inaan gaabnidu u diidayn inuu diyaarad kaxeeyo.

Mr. Asmelash Zeferu waxa uu isticmaalay muuqaallo Youtube ah si uu u samaysto diyaarad uu arooskiisa ku duulo, waxanu hadda dhisay qolofta sare ee diyaaraddaas.

35 jirkan waxa uu qorsheeyey inuu gacantiisa ku samaysto diyaarad nooceedu yahay Handcrafted K-570, waxaannu damacsan yahay inuu magaalada Addis Ababa ku dul duulo, markuu guursado gabadh uu jecel yahay oo la yidhaa Seble Bekele.

Ninkan oo aan diyaarad waligii kaxayn, ayaa rajaynaya in duulimaadkiisa ugu horreeya guul ku dhammaado, kadib markii shan bilood ka hor riyadii uu ku hammiyey ku waayey dhererkiisa oo gaaban awgeed.

Waxa uu 15 sannadood ka hor bilaabay hami ah inuu noqdo duuliye, kadib markii uu isdiiwaangeliyey dugsi ku yaal Diri Dhabe oo duuliyenimada lagu barto (Ethiopian Airlines Aviation Academy), balse waa la diiday, waayo waxa shardi ah in qofku noqdo 1 m 70 cm (5tf 7ins), balse wuu ka gaabtay intaas.

Mr. Asmelash Zeferu waxa uu go’aan ku gaadhay in aannu joojin rajadiisa, waxaannu yidhi; “Waxa aan go’aansaday in diyaarad aan leeyahay samaysto haddii aanan duuliye noqon karin. Sidaa darteed, waxa aan awood u yeelan kara meesha aan doono inaan u duulo,” ayuu CNN u sheegay.
Waxa uu la soo degay habka loo sameeyo diyaaradda oo Youtube lagu kaydiyey, halkaas oo uu ka bartay dariiq kasta oo diyaarad lagu sameeyo.
Sidoo kale, waxa uu diyaarddiisa u dooray cashar ku saabsan dad lagu tababarayey samayta diyaar 1920 ilaa 1930aadkii Maraykanku isticmaalayey.

Waxa kale oo uu ninkani talo ahaan ka helay khubaro diyaaradaha sameeya, tusaale ahaan Rene Bubberman oo ah Guddoomiyaha NVAV (The Dutch Experimental Aircraft Association).

“Waxa aannu siinay tallooyin wanaagsan oo ah halka uu ka bilaabi karo, gaar ahaan tijaabinta marka duullimaadka la gaadho. Mashruuciisu waxa uu u qalmaa in la ixtiraamo, dhiirigelin la siiyo, qof kastaana u riyaaqyo,” ayuu Rene Bubberman u sheegay CNN.

Inkastoo shan bilood ka hor uu ku guuldarraystay inuu mishiinka diyaaradda ka shaqaysiiyo, maadaama diyaarad loox ahayd oo uu sameeyey markay 40 km caasimadda ku dul socotay ka burburtay, haddana, waxa uu hawsha ku soo noqday 28 November sannadkii hore, isagoo hab carsi ah u sameeyey diyaaraddiisa.