Madaxdhameedka Gobolka Saaxil Iyo Koonfurta Hargeysa oo Shirar Doceedyo gar naqsi ah yeeshay iyo Natiijo Hordhac ah oo ka soo Baxday.

0
90

Kulamadaasi oo ahaa qaar la doonayey  in lagu soo Afjaro Xurgufta Siyaasadeed  ee u dhexeysa Guddoomiyaha iyo Murashax

sawiro

Hargeysa(Waaheen) Madaxdhameed ka soo kala Jeeda Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe  iyo Murashax Jagada Madaxweynaha Xisbiga UCID Jaamal Cali Xussen ayaa Kulamo kala duwan ku kala  yeedhay Hotel Ambasador iyo Guri ku yaala Xaafada Sheekh Madar.

Kulamadan oo ahaa mid laga hadlayey sidii loo xaalin lahaa  Khilaafka ka dhex curtay Hogaanka Sarre ee Xisbigaasi ayaa lagaga dooday sidii xisbiga Ucid uu u noqon lahaa mid midnimadiisu sii warta lana heshiisiyo Guddoomiyaha iyo Murashax.

Kulanka ka Dhacay Guri ku yaalla Xaafada Sheekh Madar oo  ay goob jog ka wada ahayeen Saladiinta Gobolka Saaxil iyo Koonfurta Hargeysa ayaa wax lagu go’aamiyey in Guddoomiyaha Xisbiga ucid uu qaato Duco isla markana uu Murashaxnimada uu u daayo Jamaal Cali Xussen si Khilaafka xisbiga Ucid  u dhammaado.

Wararku waxay intaasi ku daryaan in Saladiinta Koonfurta Hargeysa ay u Gudbiyeen Heshiiskasi Faysal Cali Waraabe Basle waxa  wararku tibaaxayan in uu Faysal saladiintasi ka Codsaday in  ay sugan inta uu ka soo noqonayo Safar uu sheegay in uu Dibada ugu baxayo muddo koobana uu ku maqnaanayo.

 

.