Isbaahaysiga Dimuqraadiga ah ee Kulmiye oo Sheegay in aanay Wali Xisbi ku Biirin

0
71

Hargeysa(Waaheen) Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali Xassan ayaa sheegay in aanay Isbaahaysiga Dimuqraadiga ah ee Kulmiye wali go’aansan  in ay Xisbi ku biiran, basle waxa uu sheegay in ay u baxayaan Magaalada Burco sidaasi waxa uu ku sheegay Qoraal Xallay uu soo dhigay Facebook.waxanu yidhi.  “ Weli Xisbi kale iyo aragti kale maanu qaadan ee waxaanu u taaganahay helitaanka xaqa muwaadin walba u leeyahay doorasho xor ah xisbi ahaan iyo qaran ahaanba waxaanan safar xog-weraysi ah ku gaadhi doonaa Caasimada Gobolka Togdheer ee Burco, Isbaahaysiga Dimuqraadiga ah ah ee Xisbiga kulmiye isagoo ka duulaya qiimaha ay leedahay xog gaadhsiinta qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool gobolada iyo degmooyinka dalka sidoo kalena ka jawaabaya codsiga taageerayaasha jecel , waxay beri safar xog-weraysi iyo xog-siin ah ku teggi doonaan magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco.

Mudada safarkani socdo ayey Isbaahaysiga Dimuqraadiga ah ee Kulmiye la kulmi doonaa Bulshada qaybaheeda kala duwan iyadoo lagala hadli doono ilaalinta maslaxda caamka ah iyo u diyaar garowga doorashada kaabiga soo saaran.

Waxaa sidoo kale sixitaan ah wararka ay mala awaaleen warbaahinta qaarkood oo aan leeyahay “Isbaahaysiga Dimuqraadiga ah ee Kulmiye aanu wax heshiis ah la gelin Xisbi kale isla markaana aanu qaadan aragti kale balse ay yihiin Isbaahaysi u taagan helitaanka xaqa muwaadin walba u leeyahay doorasho xor ah xisbi ahaan iyo qaran ahaanba.