Cali Gurey Muxuu ka Yidhi Khilaafka Hadheeyey Xisbiga Ucid ?.

0
83

cali GureyHargeysa(Waaheen) Guddoomiye xigeenka saddexaad ee xisbiga Ucid Mujaahid Cali Guray ayaa sheegay in khilaafka Ucid ku kooban yahay Guddoomiye Faysal iyo musharax Jamaal Cali Xuseen. wuxuu sheegay in sharciga xisbigu saari karo khilaafka, balse aan cid kale loo doonayn.

Aragtida Khilaafka Ucid ee Cali Guray:

“HA I DHAAFININ AAGA

INTAAN KU DHASHEE

Anigu cudurka fardaha gala kama gubo dameeraha. UCID waa run oo khlaaf gudihiisa ah ayaa jira hadana jinkii Kulmiye galay ayaa galay oo kaarinaya.

Khilaafka UCID si marka loo eego wuu ka sahlan yahay kii Kulmiye oo waxa uu ku kooban yahay Faysal Cali Waraabe oo ah Gudoomiyaha Xisbiga iyo Jamaal Cali Xuseen oo ah Musharaxa Madaxwaynaha ee Xisbiga UCID. Faysal gudoomiyaha waxa ka dhigay Xeerka UCID halka uu Jamaalna ka dhigay Musharaxa Madaxwaynaha.

Aniga iyo inta ugu tirada badan masuuliyiinta UCID ma kala raacsanin shakhsiyaad balse waxanu heshiis ku nahay in aanu si wada jir ah u difaacno sharciyadda xisbiga iyo danta higsigiisa ah inu noqdo xisbiga ka taliya Somaliland.

Hadaba anigu waan qabaa in UCID uu heli karo fursad uu ku gaadhi karo higsigiisa balse marka hore waxa qasab ah in hogaanka xisbiga iyo kadariintiisuba ay u midaysan yihiin danta xisbiga kana hor mariyaan danaha ay gaar gaarka u kala leeyihiin kana gaashaan taan farogelinta xukuumadda waayo xukuumadda xisbigeedi ka badbaadi waayay ee burburisay xisbiga kale ee fursad u siiya inay burburisana way burburin oo ka nabadgeli maayo. Waayo dee horay soomalidu u tidhi: GUDIN YAHAY HADAAN BADHKAY KUGU JIRIN IMAAD GOYSEEN.

Hadaba waxa jira dad khilaafka UCID ee soo jireenka ah buunbuuniya oo ka rara UCID oo weliba dhaafiya Somaliland oo dhan kana dhiga khilaaf laga wado dhinaca Dawladda Djibouti si ay u sii murgiyaan khilaafka murugsan ee UCID dawadiisana u sii fogeeyaan. Qaarkood waxay iska dhigaan inay UCID u hiilinayaan lakiin runtii way ka hiilinayaan. Anigu waan ka soo horjeedaa kuwaa ku tidhi ku teenka iyo wax aanay cadayn karin ee weliba cayda iyo af legaadada ugu geysta madaxda Dhibouti waxanan leeyahay waryaa Ha I Dhaafinin Aaga Intaan Ku Dhashee. Dawada khilaafka UCID waxa haya Ucid cid kalena kagama xidhana.

Xigasho Barkulanka Bulshada ee Facebook Ee Cali Guray