Xukumada Somaliland oo Sheegtay in ay ka Fiirsanayso in ay Turkiga Xidhiidhka Siyaasadeed u Jarto iyo in kale

0
66

Hargeysa(Waaheen)  Xukumada  Somaliland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay in ay Somaliland ka qayb galayso doorashada ka dhacaysa Soomaaliya sannadka dambe ee 2016-ka.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde oo warbaahinta la hadlay, ayaa sidoo kale sheegay in dawladaha Turkiga iyo Soomaaliya ay farogelin ku hayaan arrimaha Somaliland.

Warancadde waxa uu xusay in dowladaha Somalia iyo Turkiga ay ku hawlan yihiin inay wada-hadalladii joogsaday ee labada dhinac ay ku martiqaadaan dad shacab ah.

Warancadde oo warbahainta kula hadlay magaalada Ceerigaabo ayaa caddeeyey in Somaliland aysan ka qeyb-gali doonin wadahadallada Turkiga illaa xubnaha kale ee beesha caalamka ay goobjoog ka noqonayaan. “Dawlada Taagta daran ee Xamar  iyo  Dawlada Turkigu waxay isku bahaysteen in halkii Somaliland ay ka soo galilahayeen Albaabka ay daaqada ka soo galan oo ay khiyaamo iyo dhagar u badheedhan somaliland iyaga oo aan geedna ugu soo gaban, oo ay salaadiinta iyo qaar ka mid ah bulshada Somaliland hoos ula shiraan oo ay yidhaahadan shirkii wadahadalada ee labba dawladood ayaanu idinku bedelaynaa, marka Somaliland dawladba ka jirta dawladaasi ayey shacabku u doorten in ay ilaaliso masiirka ummada cid kale oo qaranimada Somaliland ka hadli kartan ma jirto”Ayuu yidhi.

Cali Warancade waxa uu sheegay in ay ka fiirsandoonaan taalabada ay ka qaadayaan xidhiidhka Somaliland iiyo turkiga.“Dawlada Somaliland waxay dib uga fiirsandoonta cilaaqadka siyaasadeed, ee ka dhexeya Somaliland iyo Turkiga”Ayuu yidhi.

Wasiir warancade wax a kale oo uu sheegay in aanay Somaliland ka qaybgalen Doorashada Somaliya waxanu yidhi “Waxaanu Bulshada Caalamka u sheegaynaa in aanay Dawlada Somaliland ka mid ahayn, qorshaha ka socda Somaliya ee ay ugu yeedhan doorashada 2016-ka, dadka ka soo jeeda Somaliland ee xamar u shaqotagay ma ah qaar metela Somaliland”Ayuu yidhi Cali warancade.