Wasiirka Arrimaha Dibada oo ka hadlay Maamul Goboleed loo sameyno Gobolada Sool iyo Sanaag Barri.

0
97

Wasiirka-qorshayntaHargeysa(Waaheen) Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiiga Caalamiga ah Dr. Sacad Cali Shire ayaa markii ugu horeysay ka hadlay shir qool Somaliland loogu soo maleegayo magaalada Nayroobi ee xarunta dalka keniya oo ah maamul dhisida  Gobolada Sool iyo Sanaag Barri.

Wasiirku waxa uu sheegay in Somaliland tahay dal ay ka jirto nabbadgelyo isla  markana nabbad gelayda Somaliland ka jirta ay  dan u tahay wadamada jarka  ah.

Wasiirka oo arrimaahasi ka hadlay waxa uu  yidhi. “Maalmihii u danbeysay waxa warbaahintu sheegaysay in uu jir qorshe lagu dhisayo Maamul gobolada Sool iyo Sanaag barri ah, waxana halkan ka cadeynayaa in Somaliland ay ilaashayso midnimadeeda, raalina aanay  ka ahayn ciidi soo faro galisa amaankeeda, Somaliland waa waddan degen oo amni ah, Amaanka iyo degenaashaha Somaliland waxa faa’ido ku qabba Waddamada jarka oo dhan, runtii wixii nabbadgelyo darro ka abuurikara Somaliland waddamada gobolka oo dhana dhibaatunabay u soo jiideysa”Ayuu yidhi waskiirku.