Khilaaf ka taagan Safiirka iyo ku-xigeenka Safaaradda Somaliland ee Itoobiya

0
77

ItoobiyaHargeysa(Waaheen) Safaaradda Somaliland ku leedahay itoobiya oo ka mid ah safaaraddaha ugu muhiimsan ee Somaliland dibadda ku leedahay,ayaa waxa soo waajahay tan iyo markii loo soo magacaabay Safiirka Cusub ee Mr Gallaal khilaaf ba’an oo u dhaxeeye safiirka iyo ku xikeenkiisa.
labadan masuul ee khilaafku ka dhaxeeyo ayaa waxay shaqadoodii ku soo koobeen in midba todobaad diyaaradda usoo raaco Hargeysa, halkaasi oo uu kan kale ka soo ashkateeyo.
waxa xusid mudan in dhawaan wasaaradda arimaha dibadda loo magacaabay wasiirkii hore ee Qorsheynta Qaranka Somaliland Dr Sacad Cali Shire, kaasoo la filayo in uu dhex galo khilaafka ka taagan masuuliyiinta Safaaradda.
Khilaafka curyaamiyey hawlaha shaqo ee safaaradda itoobiya waxa uu soo jiitamayey 4 bilood ee ugu danbeeyey ee safaaradda loo soo magacaabay safiirka cusub ee Mr Gallaal inkasta oo uu Mr Gallaal muujiyey in uu isbedel ku sameeyo safaaradda, hadana waxa fashiliyey is qabqabsiga isaga iyo safiir ku xigeenka ee salka ku haya arimo dhaqaale iyo maamul.

 

 

 

 

 

Badda Somaliland oo Kalluunkii laga xaalufiyey

Kalluumaysatada oo faramadhan kala soo noqda Badda

Berbera(Waaheen) Kalluumaysatada Somaliland ayaa quus ka jooga inay Badda ka soo helaan kalluun ay ku maareeyaan nolol maalmeedkooda iyo dhaqaalaha qoysaskooda, kadib markii uu xaaluf la soo darsay Kalluunkii Badda Somaliland.

Sidoo kale, xaalufka Badda Somaliland ayaa saamayn ku yeeshay Maraakiibtii ka kalluumaysan jirtay xeebaha Somaliland, kadib markii ay ka waayeen kalluunkii ay xaaqi jireen, waxaana la soo sheegayaa maraakiibtii ku jirtay inay waxba ka la’yihiin, halka kuwii kusoo socdayna dib uga laabteen.

Lama garanayo sababaha keenay in Badda Somaliland laga waayo kalluun, hase yeeshee sida uu xogta ku helay wariye ka tirsan waaheen oo dhawaan booqday Dekedda Kalluumaysatadu isticmaasho ee berbera, iyo xarumaha shirkaddaha Kalluumaysata ayuu ku soo arkay talaagadaha xarumahaasi oo haawanaya iyo Doonyo tira badan oo hoganaya Badda, inkasta oo maalmahaas ay ku beegnayd xilligii laga cabsi qabay Duufaanadii la saadaalinayey.

Hase yeeshee waxa uu waraysiyo uu la yeeshay Kalluumaysatada qaarkood ku ogaaday in ay kalluun la’aantu la xidhiidho xaaluf badda ku dhacay oo ay u gaysteen maraakiibtii waaweynayd ee laga kireeyey badda oo aan la kantaroolin, isla markaana six ad dhaaf ah u bililiqaystay khayraadkii ku jiray.

Sidoo kale, waxay Kalluumaysatada iyo shirkaddaha ku hawlan jilaabada Kaluunka iyo Ganacsigiisu u sheegeen in ay adagtahay in Kalluun badda laga soo helaa, waxaanay xuseen walaaca ugu badan ee hayaa in uu yahay mustaqbalka haddii aan wax laga qaban inay xaaladdu ka sii dari doonto, iyagoo xusay in Barriga fog ee Somaliland Laashashku u safraan.

Shirkaddo farabadan oo Kalluumaysi ayaa buux dhaafiyey Berbera iyo magaalooyinka kale ee Somaliland, kuwaas oo aan haba yaraatee lahayn wax soo saar la odhan karo waxa lagaga bixi karaa baahida loo qabo Kalluunka, waxaanay shirkadahaasi haystaan qalab kala duwan oo dhaqaale xad dhaaf ahi ka galay.

Shirkaddaha Kalluunka oo ay in badan dhibaato haysatay ayaa waxa hadda la soo darsay in ay mid kastaa ku banjarto meel cidlo ah, manay helin nidaam maamul oo mideeya si ay uga faa’iidaystaan hantida ay galiyeen haddii ay tahay qalab iyo maal ba.