Badda Somaliland oo Kalluunkii laga xaalufiyey iyo Kalluumaysatada oo faramadhan kala soo noqda Badda

0
69

 

Berbera(Waaheen) Kalluumaysatada Somaliland ayaa quus ka jooga inay Badda ka soo helaan kalluun ay ku maareeyaan nolol maalmeedkooda iyo dhaqaalaha qoysaskooda, kadib markii uu xaaluf la soo darsay Kalluunkii Badda Somaliland.

Sidoo kale, xaalufka Badda Somaliland ayaa saamayn ku yeeshay Maraakiibtii ka kalluumaysan jirtay xeebaha Somaliland, kadib markii ay ka waayeen kalluunkii ay xaaqi jireen, waxaana la soo sheegayaa maraakiibtii ku jirtay inay waxba ka la’yihiin, halka kuwii kusoo socdayna dib uga laabteen.

Lama garanayo sababaha keenay in Badda Somaliland laga waayo kalluun, hase yeeshee sida uu xogta ku helay wariye ka tirsan waaheen oo dhawaan booqday Dekedda Kalluumaysatadu isticmaasho ee berbera, iyo xarumaha shirkaddaha Kalluumaysata ayuu ku soo arkay talaagadaha xarumahaasi oo haawanaya iyo Doonyo tira badan oo hoganaya Badda, inkasta oo maalmahaas ay ku beegnayd xilligii laga cabsi qabay Duufaanadii la saadaalinayey.

Hase yeeshee waxa uu waraysiyo uu la yeeshay Kalluumaysatada qaarkood ku ogaaday in ay kalluun la’aantu la xidhiidho xaaluf badda ku dhacay oo ay u gaysteen maraakiibtii waaweynayd ee laga kireeyey badda oo aan la kantaroolin, isla markaana six ad dhaaf ah u bililiqaystay khayraadkii ku jiray.

Sidoo kale, waxay Kalluumaysatada iyo shirkaddaha ku hawlan jilaabada Kaluunka iyo Ganacsigiisu u sheegeen in ay adagtahay in Kalluun badda laga soo helaa, waxaanay xuseen walaaca ugu badan ee hayaa in uu yahay mustaqbalka haddii aan wax laga qaban inay xaaladdu ka sii dari doonto, iyagoo xusay in Barriga fog ee Somaliland Laashashku u safraan.

Shirkaddo farabadan oo Kalluumaysi ayaa buux dhaafiyey Berbera iyo magaalooyinka kale ee Somaliland, kuwaas oo aan haba yaraatee lahayn wax soo saar la odhan karo waxa lagaga bixi karaa baahida loo qabo Kalluunka, waxaanay shirkadahaasi haystaan qalab kala duwan oo dhaqaale xad dhaaf ahi ka galay.

Shirkaddaha Kalluunka oo ay in badan dhibaato haysatay ayaa waxa hadda la soo darsay in ay mid kastaa ku banjarto meel cidlo ah, manay helin nidaam maamul oo mideeya si ay uga faa’iidaystaan hantida ay galiyeen haddii ay tahay qalab iyo maal ba.