Al-shabaab oo Dishey sarkaal ka tirsanaa Garabka ku biirey Daacish

0
103

Hargeysa(Waaheen) Wararka naga soo gaaraya Deegaamada gobolka Jubbada Dhexe ee ay intiisa badan ka taliso Ururk Al-shabaab ayaa sheegay in Al-shabaab ay weerar ku dishay Sarkaal sare oo ka mid ah Garabkii ku biiray Kooxda Daacish iyo Ilaaladiisa xili ay safar ku marayeen deegaanka Gaduudey.

Sarkaalkan ayaa lagu magacaabi jiry Sh Xuseen Cabdi Geedi uu ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee horay uga tirsanaa Al-shabaab ee u qaabilsanaa gobolka Jubbada Dhexe isagoo xilal kala duwan ka soo qabtay sidoo kale wuxuu ka mid ahaa madaxdii maamulka Kismaayo ee Al-shabaab.

Warbaahinta Caalamka oo soo xiganaysa ilo wareedyo ka tirsan Al-shabaab iyo Deegaanka dilka ka dhacay ayaa sheegaya in kooxda Al-shabaab ee dishay sarkaalkan ay jidka u galeen xili uu ku sii jeeday deegaanka Gaduudey iyagoo xabado ku furay Gadhi uu la socday.

Sh Xuseen ayaa ka mid ahaa garab si weyn ushaaciyey in ay ku biireen Kooxda Daacish

 

Qaybo ka mid ah Deegaamada ay Al-shabaab ka taliso waxaa todobaadyadii u dambeeyey ka dhacay dagaalo u dhaxeeya Al-shabaab iyo Garabka taageeray Daacish ee ku biiray, Iyadoo sidoo kale ay wali jirto madaxda sare ee Al-shabaab ay isku hayaan in ay si buuxda uga mid noqdaan Daacish.