Wasiirada Maaliyada, Caafimadka iyo Marwada Madaxweynaha oo Dhagax dhigay Dhisme lagu kordhinayo Cisbitaalka Guud.

0
37

samsaHargeysa(Waaheen) Wasiirada Caafimadka iyo Maaliyada  iyo Marwada Madaxweynaha Aamina Waris ayaa shalay dhagax dhigay dhisme cusub oo lagu kordhiyey Cisibtaalka Guud ee Magaalada Hargeysa qaybta Gargaarka Degdega ah.

Munaasibadii Dhismaahaasi lagu dhagax dhigayey ayaa waxa ka qaybgalay Wasiirka Caafimadka Saleeban Xaglatooosiye, Wasiirka Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan, Marwada Madaxweynaha Aamina Waris iyo Masuuliyiin kale.

dhanka kale  Wasiirka Maaliyada Marwo Samsam ayaa Saddex Baabuur oo Ambalas ah ku wareejisay Wasiirka caafimadka ee Somaliland.

Agaasimaha Cisbitaalka Magaalada Hargeysa Dr. Axmed Cumar Askar oo ugu horeyn ka hadlay madashii lagu dhagax dhigayey dhismahaasi ayaa waxa uu ka waramay baahida ay u qabaan xarunta loo bineynayo, waxaanu tilmaamay in ay tahay meel muhiim oo wakhti walba la isticmaalo looguna tallo galay in lagu daweeyo dadka gargaarka degdeg ah u baahan, isaga oo u mahad celiyey dhammaan dadkii ka qaybaatay qaadhanka lagu dhisayo.

Waxa kale oo isaguna ka hadlay  Maxamed Darbo oo ka socday Shirkada Telsom waxaanu tilmaamay in lacag 50,000 oo Dollar ah ay kaga qaybqaadanayaan dhismahaasi loo dhiisayo cisbitaalka Magaalada Hargeysa, waxanu ka waray kaalinta Telesom ay kaga jirto horumarinta dalka, isaga oo sheegay in meel wal oo baahi ka jirto ay ka qaybqaatan waxtarkeeda.

Wasiirka Maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa tilmaantay in dhismahani uu yahay mid faa’iido weyn u leh Cisbitaalka guud ee Hargeysa isla markana baahiyihisu ay  badan yihiin, balse maalinba in ay wax ka qabanayaan, waxa kale oo ay sheegtay in Saddex Baabuur  oo  Ambalas ah ay ku wareejinayso Wasaarada Caafimadka.

Wasiirka Caafimadka Somaliland Saleeban Ciise Xaglatoosiye oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa ku dheraaday waxqabka Xukumada uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud  (Siilaanyo) isaga oo tilmaamay in dhismaayaal baddan ay cisbitaalka ka bineeyen mudadii xukumadu jirtay, isla markana baahida maalin walba soo baxda ay daboolan, waxanu xusay in dhismahan loo dhisayo qaybta gargaarka degdeg ah ku baxayso lacag badan lacagtaasi qayb ay bixinayso waasaarada Maaliyadu, qaybaha kale ay bixinayan Shirkada Telsom Iyo Dawlada hoose.

Gabogabadii Marwada Madaxweynaha Aamina Waris iyo Wasiirada Maaliyada Samsam , Wasiirka  Caafimadka ayaa si wadda jir ah u dhagax dhigay Dhismahaasi.

Dhanka kale Wasiirada maaliyada Marwo Samsam ayaa Saddex Ambalaas ku wareejisay wasaarada Caafimadka,  xafladii Baabuurtaasi lagula kal wareegayey ayaa waxa ka qaybgalay masuuliyiin baddan, Wasiirka Caafimadka ayaa Saddexdii Ambalas ku wareejiyey Magaaloyinka Boorama, Gabiley iyo Qorulugud.