La-taliyaha siyaasadda Arrimaha Dibeda Xisbiga Wadani oo Xukuumadda Eedo ujeedisay

0
49

fadumo-siciidHargeysa(Waaheen) Marwo Faadumo Siciid oo arrimaha dibada kala talisa guddoomiyaha xisbiga Waddani ayaa ku dooday in halkii 20 sanno ka hor Somaliland ka soo dhaqaaqday dib ay ugu noqotay intii xukumadda Siilaanyo xilka haysay. Waxay sheegtay in meel kasta oo la wareejiyo shaqaalaheeda la eryayo, haddii dekedda Berbera la wareejiyana la eryi doono shaqaalaha ka hawlgalaya, taasina keenayso shaqo la’aan iyo busaarad ay ka digtay.

“Waad ogtihiin oo Laydhkii ayaa la wareejiyay( laydhkii dawladda ee Hargeysa iyo Berbera) oo waxa la isku haystay Gandi Library, oo waxaa la wareejiyay Women’s club-kii, oo waxaa la wareejiyay wax alaale wixii hanti dhul dawladdu lahayd. Waxa la bixiyay oo ilaa ehelkooda la siiyay guryihii dawladda oo imikana loo dhisayaa, waxaa la wareejiyay haamihii shidaalka ee Berbera, waxaynu ognahay in maantana xukumaddu Dekeddii Berbera, Sibidhkii iyo buurihii Gacan Libaax, buurta Daalo, buuraha sheikh intiina imika wadaan wareejinteeda…” ayay tidhi Marwo Faadumo Siciid.

Waxay bulshada Somaliland ugu baaqday inaan bulshada reer Berbera lagu eegin inay difaac ka galaan wareejinta dekeddaha iyo Madaarada Berbera, balse bulshada Somaliland is waydiiso waxa u hadhay marka xarumaha dawladda ee muhiimka ah la wareejiyo.