War Degdeg ah

0
97

Waaheen London–Allah ha u Naxariistee waxaa Saaka Magaalada Jigjiga ee Caasimadda Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ku Geeriyooday Wariye Axmed Xasan Cawke oo ka mid ahaa Ruug cadaadyadda Saxaafadda Soomaalida.

Wararka ayaa sheegaya in Wariye Cawke uu u dhintay Xanuun dhanka Wadnaha ah oo soo wajahay,iyadoo Warar kalena ay sheegayaan in ay Neeftu qabatay.

Axmed Xasan Cawke wuxuu ku biiray Radio Muqdisho 1972 isagoo aad ugu soo caanbaxay wararka iyo gaar ahaan tebinta ciyaaraha iyo madadaalada.
Wuxuu ka soo shaqeeyay Telifishankii somaliya , kadibna wuxuu noqday Afhayeenkii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ilaa burburkii soomaaliya

Cawke wuxuu kaloo ka shaqeeyey laanta Afka soomaliga ee idaacadda BBC da, laanta Afka soomaliga ee VOA , Telifishanka Universal , HCTV , iyo Telifishnka Somaliland National TV .

Waaheen London