Madaxweyne SIILAANYO Oo Ku Sifeeyey Marxuum Cawke Ruug-cadaa Taariikhda Ma Guurtada Ah Kaga Tagay Tusaale Wacan, Bahda Saxaafaddana Ka Tacsiyadeeyey.

0
95

IMG_D64803-594F6C-A95FC0-247380-E0FB92-CC3F8AHargeysa(Waaheen)  Alle ha u naxariiste Axmed Xasan Cawke oo ka mid ahaa Weriyayaasha Ruugcadaaga Soomaalida ayaa habeen hore ku geeriyooday Magaalada Jigjiga ee dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Jigjiga.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa waxa uu guud ahaan  shacabka reer Somaliland, gaar ahaan saxaafadda Somaliland ka tacsiyadeeyey geerida ku timi Alle ha u naxariiste Weriye Axmed Xasan Cawke oo geeriyooday.

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, guud ahaan shacbi weynaha Somaliland, Waxgaradka, waayeelka, Boqorada, Ugaasyada, Salaadiinta, Cuqaasha, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo gaar ahaan Bahda Saxaafada, isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Marxuum Weriye Axmed Xasan Cawke oo ku geeriyooday dalka Ethiopia gaar ahaan Magaalada Jig-jiga 17/11/2015.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey tiir ka baxay guud ahaan inta ku hadasha Afka Soomaaliga, iyo Qaranka Somalilandba, sidoo kale  waxa uu ahaa weriye ruug caadaya oo taariikh ma guurto ah kaga tegay dunida, tusaale iyo ku dayasho wacana u ahaa dhamaan Bahda Saxaafada meel ay joogaanba.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Bahda Saxaafada, Waxgaradka, waayeelka, Boqorada, Ugaasyada, Salaadiinta, Cuqaasha, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.