Itoobiya oo ka hadashay abaar dalka ku habsatay iyo warbixino lagaga dayriyey

0
36

getechew-reda-300x252Hargeysa(Waaheen) Madaxa xafiiska xidhiidhka dawlada Itoobiya, Getechew Reda, ayaa sheegay in dawladu ku bixisay lacag dhan 6 bilyan oo birr sidii loo caawin lahaa dadka ku tabaaloobay abaaraha.

Waxaa uu intaa ku daray in dawladu dabagal ku sameyneyso qaybinta raashinka iyo in gargaarku gaadhayo dadka baahan.

Getachew ayaa sheegay in ay dawladu awood u leedahay in xakamayso abaarta islamarkaana arrimaha gargaarka ku filan tahay.

Hadalka madaxa xidhiidhka ayaa daba socda warar ay warbaahinta aduunku abaarta Itoobiya ka tabiyeen kuwaas oo sheegaya in xaaladu ka daran tahay sida loo maleynayo. Warbxinada noocan ah ayaa xukuumada Itoobiya ka cadheysiyey iyada oo qaarkood si kulul uga jawaabtay.

Wasiirka ayaa diiday warbxin ay dhawaan BBC-du sii deysay oo xustay in ay dalka macaluuli ku hayso ilaa 15 Milyan. Warbxinta ayaa intaa ku dartay, in ugu yaraan maalntii laba ilmood u dhintaan gaajo. Getechew ayaa sheegay in warbxinta BBC-du ayna ku turjumayn xaqiiqda.

Abaarta oo markii u horesay laga dareemay gobolka Canfarta ayaa hadda ku fiday dhul badan oo dalka ka mid ah oo uu ku jiro gobolka Shiniile ee Ismaamulka Soomaalidu.

Xukuumada Itoobiya ayaa samesay guddi kormeera abaarta oo madax u yahay Demaqe Mokenon oo ah ku-xigeenka r’isulwasaaraha Itoobiya.

Getechew Reda ayaa tiibaaxay in hadii loo baahdo la hakin doono mashariicda waaweyn ee dalka ka socda si wax walba loogu duwo dhanka maacawinada.

Dalka Itoobiya ayaa caan ku ah abaaraha iyo macaluusha ka dhalata iyada oo beesha caalamku hadda ka hor dhawr jeer gurmad balaadhan u samesay