Ma dhabaa inuu Suldaan Wabar Jabouti ka dhoofayo?.

0
75

Hargeysa(Waaheen) Warar ay warbaahinta qaar ka heleen ilo-diblomaasiyadeed oo u dhuundaloola dhaqdhaqaaqyada Mandaqada Geeska Afrika, ayaa tibaaxay Madaarka dalka Jabuuti inuu Caawa ka dhoofayo Suldaan Wabar, waxaana la sheegay in safarkiisa hadda uu ku jihaysan yahay dalka Canada. Lama ogga jiritaanka wax-qorshe ah oo maamuladda Hargeysa iyo Jabuuti arrinkaa ka leeyihiin, maadaama uu hore u jirey heshiis labada dal hore u dhexmaray oo ku saabsan inay ka wada shaqeeyaan dhaqdhaqaaqyada arrimahan oo kale ku taxaluqa.

 

Suldaan Wabar, oo isagu hore u iclaamiyey inuu madax ka yahay dabley hubaysan oo kasoo horjeeda maamulka Jamhuuriyadda Somaliland, sida xoggo Wargeysku helay ay xuseen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Siilaany, ayaa dhowaan cafis u fidiyey Suldaanka, kadib sida la sheegay markii la soo afjaray khilaaf soo kala dhex-galay koox Odayaal ah oo u dhashay Gobolka Awdal iyo Xukuumada Somaliland, isla markaana qaarkood la soo xidhay, waxaana wararka amuurtan la xidhiidhaa intaa ku dareen in koox Odayaasha ahi balanqaadeen inay Suldaanka keeni doonaan.

 

Hase-ahaatee, waxa aan la ogeyn sababta keentay in uu Suldaanku safar dibadeed u baxo ka hor inta aanu dalka kusoo noqon, sida duqeydu balanta ku qaaday, sidoo kale, waxa iyana xusid mudan qorshaha arrinkan ee ka dhexeeyay labadda dal ee Somaliland iyo Jabuuti. Waxa kaloo, iyana aan la iska indha-tiri karin Suldaanku halka uu ka galay dalka Jabuuti, oo sida dadka arrimahan la socdaa ay sheegayaan ah dhinaca dalka itoobiya, oo iyana dhowaan Somaliland ay kala saxeexdeen heshiis ku saabsan sidii labada dal isaga kaashan lahaayeen arrimaha noocan oo kale ah.