Wasiirul Dawlaha Cusub Ee Wasaarada Maaliyada Oo Xilkii Kala Wareegay Wasiirul Dawlihii Hore

0
103

xoHargeysa(Waaheen) wasiirul dawlaha cusub ee wasaarada maaliyada Somaliland Maxamed Faarax Ducaale  ayaa shalay  si rasmiya xilkii  ugala wareegay wasiirul dawlihii hore ee wasaradaasi Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani).

Munaasibada xil wareejinta oo lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay wasiirka maaliyada Marwo Samsam, wasiir ku-xigeenka maaliyada, wasiirka macdanta, shaqaalaha wasaarada maaliyada iyo marti sharaf kale.

Wasiirka maaliyada somaliland Zam Zam Cabdi Aadan oo ka hadashay munaasibadan ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay inay xilka u kala wareejiso labada wasiirul dawle, waxaanay tilmaantay inay si wanaagsan u soo wada shaqeeyeen.

Wasiirul dawlihii hore ee wasaarada maaliyada somaliland Cismaan Saxardiid Cabdilaahi oo ka hadlay munaasibada uu xilka ku wareejiyey ayaa waxa uu ka waramay qaybaha wasaarada maaliyada iyo shaqadii uu ka soo qabtay waanu yidhi “Wasaarada maaliyadu waa wasaarada balaadhan, waana halbawlaha dawlada somaliland, waana meesha qof kasta oo somaliland ah mushaharkiisu ka soo baxo, waxaana jooga shaqaale wanaagsan iyo masuuliyiintooda oo aad u dedaal badan, hadafkuna waxa uu yahay ama uu qof waliba ku soo kacaa subaxa sidii aanay wasaarada maaliyadu dib uga dhicin haday tahay mushaharka ciidamada oo ah kuwa aynu ku seexano kuna soo toosno, haday caafimaad tahay, haday dugsiyo tahay, wax kasta oo dalka ka dhaqaaqa waa meesha laga maamulo, shaqaaluhuna waxay ku soo toosaan siyaasad ay wasaaradu leedahay oo wasiirkuna ku ilaaliso inta ka hoosaysaana uu qof waliba ku shaqeeyo si aanay hawshaasi mar kaliya isku dhimin.”

Wasiirul dawlaha cusub ee wasaarada maaliyada somaliland oo isaguna ka hadlay munaasibadan uu xilka kula wareegayey ayaa sheegay inuu qaadanayo dardaaranka uu u jeediyey wasiirul dawlihii ka horeeyey waxanu yidhi “Wasiirul dawlihii hore ee wasaarada maaliyada Cadaani dardaaran badan ayuu ii soo jeediyey waanan qaatay dardaarankiisa, cabsina kama sii qabo inay iga horayso meel adag oo aan lala shaqayn Karin, waxaanan rajaynayaa inay wasaarada maaliyadu tahay mid laga wada shaqaynayo aniguna aan ku biiri doono, waxaan balan qaadayaa hawshii halkii uu wasiir cadaani kaga tahay inaan ka sii anba qaadi doono, waxaanan shaqaalaha u balan qaadayaa inaan sida ugu wanaagsan ula shaqayn doono , xafiiskayguna u furnaan doono, waxaanan idinka codsanayaa inaad iigu ducaysaan in ilaahay xilkaas cusub ii fududeeyo.”

Sidoo kale waxa munaasibadan ka hadlay wasiirka maaliyada somaliland Zam Zam Cabdi Aadan, wasiirka macdanta Xuseen Cabdi Ducaale iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo dhamaantood ugu duceeyey wasiirul dawlaha cusub inuu ilaahay xilka u fudaydiyo.