Wararkii u Danbeyey Loollanka Xaglatoosiye iyo Saylici oo Xalay Cirka isku Shareeray iyo Madaxtooyada oo lagu Gooyey Qof la Tartama Muuse Biixi

0
97

CaptureHargeysa(Waaheen) Waxa Xallay Magaalada Hargeysa si weyn uga dhex socday loollanka u dhexeya Labbada Musharax ee kala ah Madaxweyne Ku-xigeenka Cabdiraxman Saylici iyo Wasiirka Caafimadka Saleeban Xala-toosiye kuwaasi oo ku taramaya Jagada Musharax ku-xigeenka Kulmiye.

Warar aanu ka helay ilo xogogaal ah ayaa noo shegay in odayaal ka socday Dhanka Madaxweyne Ku-xigeenku u tageen Wasiirka Caafimadka Xaglatoosiye kuwaasi oo u soo jeediyey in isaga iyo Madaxweyne Ku-xigeenku ay wada hadlaan oo arrin meel iskula dhigaan, basle wararku waxay tilmaamayaan in uu Xaglatoosiye uu arrintaasi ka soo horjeedsaday oo uu diiday,  waxanu tilmamay in isag aiyo Saylici ay ku kala bixidoonan Golaha dhexe ee Kulmiye, waxa isaga iyo madaxweyne Ku-xigeenku ay u kulmanbaa aanay  meesha oolin.

Odeyaashi ka socday dhanka Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa rajo la’aan kaga huleelay Xaglatoosiye.

dhanka kale waxa jirta in Wasiirada wakhtigan ugu tunka weyn xukumada Siilaanyo ee ka soo jeeda Beesha Madaxweynuhu ku kala qaybsameen tartanka Wasiir Xaglatoosiye uu la tarmayo madaxweyne Ku-xigeenka kuwaasi oo qaarna taagersan yihiin kuwo kalena ka soo horjeedsadeen.

Warar kale ayaa iyaguna sheegaya in Shir xallay ka dhacay Madaxtooyada lagaga arrinsanayey Xaalada uu Xisbigu ku sugan yahay iyo qaadacaada ay qaadaceen Musharxiinta isbahaysigu shirka, basle wararku waxay intaasi ku darayaan  shirkaasi Madaxtooyada ka dhacay laga soo saray go’aan ah in la sameeyo qof Qurxiya Madasha Shirka oo tartan malo awaal ah ku tartama Jagada  Mushrax Madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye lana tartama Muuse Biixi oo wakhtigan raggii la tartamayey ay qaadaceen, kuwaasi oo sheegay in nin meesha loogu cummaadayo,  wararka aanu helayna waxay sheegyaa in Ninkaasi yahay Xildhiban ka tirsan Golaha Wakiilada basle illaa hada Magiciisa lama sheegin, waxase iska soo bixidoonta maanta qofkaasi qofku yahay.