Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda oo sheegay wasiiraddii is-casilay inay beesha Caalamka iyo Axsaabta Mucaaradka ah ba walaac ku abuurtay

0
99

 

cir“War-war badan bay galisay beesha caalamka iyo xisbiyada mucaaradka ah inay xukumadda ka dareeraan12 wasiir. Waayo, waxay masuul ka tahay maamulka dalka. qabashada doorashada, nabadgalyada” C/raxmaan Cirro  

Hargeysa(Waaheen)  Guddoomiyaha aqalka wakiillada Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga Waddani, ayaa shalay  dalka ku soo laabtay, isaga oo muddo ku dhaw bil uu ku maqnaa  dalka dibaddiisa . Guddoomiyaha ayaa ka hadlay xilliga xisbiga Waddani qabsan doono shirweynihiisa iyo khilaafaadka Kulmiye.

Guddoomiye oo ka Hadlaya Wasiiradii iska casilay Xukumada Siilaanyo waxa uu yidhi. “Waxaan ka xumahay oo aanan ku faraxsanayn khilaafka soo dhex galay xisbiga Kulmiye oo xisbi qaran ah. Waxaan u rajaynayaa khilaafkooda inay xallistaan shirkooduna u qabsoomo. Waxa kale oo naxdin lahayd inay xukumadda ka dareeraan in ka badan 12 wasiir. Xukumaddu waa xukumaddii qaranka xisbigay doonto ha laga dhisee, way ka duwan tahay xisbiga oo waxay masuul ka tahay maamulka dalka. Waxay masuul ka tahay qabashada doorashada, waxay masuul ka tahay nabadgalyada. Runtii arrintaasi warwar badan bay galisay beesha caalamka iyo xisbiyada mucaaradka ah, arrintaas xalkeeduna wuxuu saaran yahay madaxweynaha Somaliland,” ayuu yidhi guddoomiye Cirro.

Guddoomiyaha Waddani, wuxuu shacabka ugu baaqay inay ilaashadaan ammaankooda iyo nabadgalyada. Waxa uu Kulmiye u rajeeyay sidii ay arrimahooda u dhammaysan lahaayeen. Waxa uu sidoo kale sheegay in cidii ka baxda xisbiga Kulmiye uu u furan yahay xisbiga Waddani inay yimaadaan.

Guddoomiyaha oo la waydiiyay xilliga xisbigiisu qabsan doono shirweynihiisa wuxuu yidhi “ Xabsashada xisbiga shirkiisu ma foga. Waxaan isleeyahay sanadku intaanu dhammaan baanu qabsanaynaa ama ka soo socda horraantiisa Inshaa Allah,” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro. Cirro waxa kale oo uu ka waramay kulamo uu la yeeshay Madaxda Dalka Filland, Holland iyo Barlamaanka Yurub, waxanau tilmaamay in uu uga xogwarmay xaalada Somaliland ku sugan tahay dhinca dhaqaalaha iyo nabadgelyada waxa kale oo uu sheegay in uu kala hadlay Arrimaha doorashooyinka Somaliland ku foosha leh iyo sidii ay ugacaawin lahaayeen.

Guddoomiye Cirro waxa madaarka ku soo dhaweyey Shirguddoonka Golaha wakiilada, Xildhibaan, iyo Taagerayaasha Xisbiga Waddani.