Wakiilka Midawga Yurub oo Madaxweyne Siilaanyo kala Hadlay Arrimaha Doorashooyinka iyo Khilaafka Siyaasadeed ee ka ka jira.

0
28

93abc951c9b11936ac34725b205265c5_LHargeysa(Waaheen) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu xafiiskiisa ku qaabilay Shalay  Ergayga Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Michele Cervone d’Urso.

Waxaana Madaxweynaha kulankan ku wehelinaayey Wasiirka Arrimaha Dibeda, Dr Sacad Cali Shire, Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Cali Maxamed Warancade, Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Axmed Cali iyo Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Mudane Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr).

Kulanka ka dibna waxa saxaafada si wada jira ula hadlay wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland iyo Ergeyga Qaramada Midawga Yurub, iyagoo ka warbixiyey ujeedada kulanka.

Dhanka kale Wararku xogogaal ah ayaa sheegaya in Ergaygaasi uu Madaxweyne Siilaanyo kala hadlay xaalada Siyaasadeed ee Waddanku marayo, gaar ahaana Arrimaha Doorashooyinka iyo Khilaafka Siyaasadeed ee Wakhtigan waddanka ka jira gaar ahaan Khilaafka Xisbiga Kulmiye hadheeyey, waxaanu Madaxweynuhu ergeyga u sheegay in doorashada wakhtigeeda ku qabbandoonan, isla markana Khilaafka Kulmiye dhammandoono