Telefeshinada Madaxbaan oo sameystay Urur ay ku Midooben

0
59

0000Hargeysa (Waaheeni) Kulan ay isku yimadeen Agaasimayasha Telefeshinada Madaxbaan ee ka hawlgala Somaliland ayaa Shallay lagu qabtay Magaalada Hargeysa, kulankan oo ujeedadiisu ahayd siddii Warbaahinta Telefeshinadu iska kaashan lahaayen hawlaha Kala Duwan ee ay Bulshada u hayaan.
Kulankaasi ayaa waxa Goob jog ka ahaa Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta ee Somaliland SOLJA Maxamud Cabdi Jaamac.
Madaxda Telefeshinada Madaxbanaan ayaa waxay Kulankaasi ku doorten Hogaan ka shaqeyndoona Hawlaha kala duwan ee ay qabtaan warbaahintaasi, waxaanay Guddoomiye u Doorten Cali Faarax Xarbi, Guddoomiye Ku-xigeen waxa loo dortay Axmed Maxamed Jaamac, Agaasimaha waxa loo dortay Xamse Cali Bulbul, Xog-hayena waxa loo dortay Maxamed Aw Aadan Axmed iyo Af-hayeenka oo loo dortay Yaxye Sheekh Ismaciil.
Af-hayeenka Ururkaasi Yaxye Sheekh ismaciil oo ugu horeyn ka hadlay kulankaasi ayaa Yidhi.“Kulankan ay Maanta isku Yimaaden Masuuliyiinta Telefeshinada madaxbaan ee Somaliland, waxa uu daranaa qodobo dhawr ah waxanuna ka tashanaynay Masiirka iyo horumarka midaga Telefeshinada Madaxbaan, kulankan waxa goob jog ka ahaa Gudoomiyaha ururka Suxufiyiinta SOLJA Maxamud Cabdi Jaamac”Ayuu yidhi Yaxye
Agaasimaha ururkaasi Xamase Cali Bulbul oo isaguna hadal kooban ka jeediyey ayaa waxa uu yidhi. “Kulan ujedadiisu waxay ahayd in telefeshinad ay iska wareystaan xaaladihii u danbeyey ee tiifiyada dhinaca horumarkooda dhinaca siyaasadooda, iyo wixii ku soo kordha ay ka wada hadlaan, dhanka kale waxaanu SOLJA iska wareysanaynay sidii SOLJA ay tiifiya madaxbaan ee ka hawlga dalka ay taagero weyn oo dhinac dhaqaalaha iyo taladaba u siin lahayd”Ayuu Yidhi Xamse Cali BulBul.
Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamud Cabdi Jaamac (Xuuto) ayaa halkaasi ka hadlay waxaanu yidhi. “Kulankani waxa uu dabba socdaa kulamo hore oo aanu hay’adaha warbaahinta la yeelanay sida Wargeysyada oo aanu dhammaantooda kaga wada hadalnay halka ay marayso marxalada saxaafadu oo runtii in baddan la dhaliilo, duruufo baddan haystaan, siddii arrimahasi looga bixi lahaa, waanay aqbaleen dhammaan hay’adaha warbaahinta oo dhami ee SOLJA matasho iyo suxufiyiinta Somaliland oo dhanba, waxa kale oo aanu ka wadahadlan inta la helayo urur gaar ah oo warbaahintu ku midowdo in ay tifiiyadu sameystan urur u gaar ah, wargeyduna urur u gaar, SOLJA masuul ka noqoto Ilaalinta Xuquuqda Suxufiga ”Ayuu yidhi.