KULMIYE: XISBIGA LABADA KORNAYL

0
57

korSomaliland waxa ka jira sadddex (3) xisbi oo siyaasiyaan kala matala bulsho-weynteeda : Wadani,Ucid iyo Kulmiye. Waxay samaysmeen markii laga soo doogsaday nasiib-daradii dagaalada sokeeye iyo qabilaysigii qudhmuuna ee shaydaanku inagu soo dhex tuuray.
Waxa isqoray nadaam is-cafid iyo is-aamin ku qotoma, oo lagu soo dabaalay hogaankii siyaasadeed ee dalka.Waxa habkaas dhismihiisa lahaa siyaasigii rug-cadaaga ahaa, ee Moxamed Haji Ibrahim Cigaal, Eebe naxaristiisa haka waraabiye.
Ninkaas oo aqoon siyaasadeed iyo mid dhaqan oo qotodheer lahaa, dastuuriyan ayuu tirada xisbiya ugu xadiday saddex (3) qudha .Wuxuu ku lifaaqay, in shantii(5-tii) sannadoodba hal (1) mar dib loo furo ururo tartama, oo saddexda ugu dheereeya noqdaan axsaabta qaranka ee sajilma, laguna galo doorashooyinka deegaanada iyo kuwa qaran guudba.
Xisbiga Kulmiye, markii u ku gulaystay doorashooyinkii madaxtooya, wuxuu markiiba dhaawac u gaystay , systemkii cusboonaysiinta asxaabta.Wuxuu labanlaabay muddadii cusbonaysiinta asxaabta oo uu ka dhigay toban (10) sannaadood, isagoo middaas uga jeeday, in xisbigii UDUB aanu hore ugu soo toosin, isagoo gosha hoosena ugu laabantahay in wadahadal lala furto Somaliyadii la kala tegay.
Waxaynu xusuusannahay in siyaasadda Kulmiye ee arrimaha dibadu ku shaqayn jirtey carqaladaynta habkii hufnaa ee « high diplomacy »ee Xukuumaddii UDUB hogaankeedu calaamka oo dhan ka waday, iyadoo adeelsanaysa 23 representations, oo ku fidsan qaradaha adduunka.
Hab-dhaqankaas ku salaysnaa aragti-gaabnaanta ( Narrow sighted policy) ee kulmiye, waxa dhimbiil naareed ku ahayd in aqoonsiga Jamhuuriyaddda Somaliland najaxo inta UDUB talada dalka hayso.
Waxay middaas u arkayeen guul Xukuumaddii waqtigaas dhaxalsiinaysa in ay kusii warto hogaanka wadanka.Daban-daabyadii Foreign Secretary gooda, Moxamed Cabdillaahi Cumar, recordska ayey ku jiraan.
Waxa siddaas ka markhraati kacaaya Xisbigii Kulmiye oo aad uga fogaaday hawlihii aqoonsi doon, maanta faramadhan cidla ka garaacaaya.Waxba kuma kala duwana hanfade-nimadii Moxamed Cabdillaahigii shalay iyo mala’awaalka Moxamed Biixiga maanta, ileen labaduba waxay ka shiidaal qaadanayeen, oo ay fulinayeen siyaasadda Khiyaamada qaran ku dhisayn ee Kulmiye. Waxaynu ognahay in Caalamkii akhriyi kari waayey laba qodlayn teena.
Amaankii Somaliland ee Gudaha iyo dibadu wuu liqliqanayaa, haddii aynu run isu sheegayno. Wadamadaynu jaarka nahay walwal badan ayey ka qabaan xuduudadeena oo aan sasiloonayn. Si badheedh ah ayaa TV-GA qaranka loola soo fadhisanayaa « loolan qabilaysan », laysuguna macaashayaa, gabasho la’aan.
Marka fikrado kala duwan yimaadaan (dimocracy debate) RRU ayaa laysu adeegsanayaa. Miyaanay ahayn « Governement Terrorism », dadka sii kala fogaynaaya ? Waxaasi waa falalka lagu garto Xukuumadda aan isku kalsoonayn ee caloosheeda ka shaki qabta.
Isaga maalka-qaran boobistiisu farahay ka haaday, oo dhaqsa loo taajirayaa, fooqaqna loo dhisanayaa, kontrol la’aan. Haamihii shiidaalka ee halbowlaha dhaqaalaheena ahaa (National Security) ayaa dhayalsi loo wareejinayaa, iyadoo Go’aankii Golaha Wakiilada lajiidhaayo,wax dammaanad ahna loo dhigin.Waar Dadweynow, xageeba lagu socdaa ,cadawgana laysugu loogayaa?
Haatanna, waxaaba si badheedh ah, usoo baxay in xisbi Xaakimkii Kulmiye la wareegeen laba (2) Kornayl : Muuse Biixi iyo Moxamed Kaahin.
Dhexdiisii « Car-juuqdhe iyo cagajuglayn » ayaa ka dilaacday. Labadaas Kornayl ayaa hogaankii Xisbiga hantiyey, Madaxweynihii wadankuna « Green Light » siiyey. Waata keentay in Xukuumaddii kala badhkeed ooda jeebiyo, kalsoonideedii guudna dhulka « dharjac » ku tidhaahdo. Shafshafada labada Kornayl Madaxtooyada la maleegeen, daawo warta , ma noqonayaan ?
Labada Kornayl ee ku caanka ah « hurinta qabyaaladda »iyo « iska- hor- keenka bulshada » Somaliland ee nabada jecel, himiladooda ma gaadhi doonaan ?
Ifaafalaha muuqda,waxay usoo fadhumaysanayaan waa Xukun military, oo ummadda Jamhuuriyadda Somaliland, horeba Diktaytarkii Ina Siyaad Barre ugu taagwaayey, iyagoo dagal hubaysan kaga xoreeyey Geyiga JSL.
Kashifaada iyo fashilaada ku habsatay Kulmiye, waa nasiib wacan oo Eebeheen ummadda u bixiyey, si ay tababushada ku habon, dhaqso ugu gaadhaan, dhanka fiican ee badbaadada qaranimadooda ku jirto.
ALLAHAYOW ADAA WEYN, ADIGAA AWOOD BADAN, AMARKAAGU FULAYAA.
AMAAN KAGA NAGU DHAWR : AAMIIN… !AAMIIN !
Waa Billaahi Tawfiiq
Jaaamac Yaasiin Faarax
Hoghayihii Hore ee UDUB
Lyon/France