Wasiirkii Hore iyo Wasiirka Cusub ee Cadaalada oo xilkii la kala wareegay.

0
165

Hargaysa(Waaheen)Wasiirka Cadaalada somaliland Axmed Cadare ayaa Maanta Xilkii Wasiiro Kala wareegay Xuseen Axmed Caydiid,iyada oo isla Madashana Xilalka Ay kula Kala Waregeen Labada Wasiir ku Xigeen ee wasaarada Cadaalada.

Munaasibada Balaadhan oo Kulmisay Bahda Cadaalada Wasiirada Xukuumada iyo Musharaxiinta Kulmiye ku dhex tartamaya Loona Soo agaasimahay Si heer saraysa ayaa Wasiirada iyo ku xigeenadu xilalka Kula Kala waregeen,waxaana goob-joog ka ahaa Haay’addaha Dhinac Cadaalada Ka caawiya Wasaarada iyo Taliyayaasha Badaha iyo Asluubta Somaliland.

Agaasimaha Cadaalada Somaliland oo isagu Madasha ka hadlay ayaa ka shekeeyay Waxqabadka ay wasaaradu ku talaabsatay inta uu xilka hayay Xuseen Axmed Caydiid waxaana uu cadeeyay in Laga soo qaaday Seeska Lana Keenay Meel Laga arki kari in ay shaqaalaheedu tayaysiin yihiin Shaqadana laga rawaxo Labada Duhurnimo taas oo keentay in ay Wasaarada Noqoto mid tayaysan.

“Wasiirku inta uu xilka hayay waxa ay wasaaradu ku talaabsatay Horumar aad u wayn,wixii nooqabsoomay wada jir ayay noogu qabsoomeen,wasaarada waanu soo dhisnay,waxaanu gaadhsiinay Meel aanay wasaarada dalku gaadhin,Xuseen waa Shaqsi ku adag Xilka iyo shaqadaba intaan la joogayna waxaan ka faa’iday wax badan oo muhiim ah.

Agaasimah ayaa wasiir ku xigeenka iyo Wasiirkaba ku sagootiyay Qalbi Furan isaga oo ku hadlayay Afka Shaqaalaha ee wasaarada cadaalada somaliland waxaana uu cadeeyay in Wasiir Cadarena looga Baahan yahay sidii Xuseen Axmed Caydiid inuu shaqada halkaasi ka sii bilaabo.

Haay’addaha Lashaqeeya wasaarada ee Dhanka Cadaalada oo iyaguna Madasha Goob-joog ka ahaa Sagootiyayna Wasiir iyo ku xigeenkiisa ayaa cadeeyay in Shaqadu iyo sunaha dawlad-nimo yahay in Wasiirada la Badalo Si ay shaqadu u wanaagsanaato,iyaga oo Bisayl Shaqana u muujiyay wasiirka Cusub ee xilka la wareegaya.

Guddoomiyaha Maxkamada sare iyo Xeer ilaahayah qaranka somaliland oo iyaguna Bahwadaag la ah wasaarada cadaalada oo si isku mid ah madasha uga hadlay ayaa cadeeyay inta uu wasiirku la shaqaynayeen in ay Arkeen inuu yahay wasiir u bisil shaqadiisa,jecelna in cadaalada ay bulshada ku dhaqaan Bahda Cadaaladu.

Labada Wasiir ku xigeenka ee iyaguna Xilka isku wareejiyay oo iyaguna Madasha ka hadlay ayaa cadeeyay in xilku meerto yahay,waxaana ay iskugu wareejiyeen si ay ku dheehan tahay qalbi wanaag,iyaga oo sheegay in ay waajib tahay in marba shaqada loo magacaabo wasiir ku xigeen dhaqaajiya,waxaana ay saxeexeen Buugii xil wareejinta.

Wasiirka Cadaalada oo madasha ka hadlay ayaa ka shekeeyay inta uu xilka hayay waxa u qabsoomay oo ka soo bilaabay markii uu siilaanyo wasaarada cadaalada u magacaabay iyo maanta oo keenay meel ay majiirteen dhamaan masuuliyiintii madasha ka hadlay,isaga oo Wasiirka cusubna u reejeeyay inuu shaqada ilaahay ku asturo.

Wasiirku Cusub ee Cadaalada Axmed Cadare ayaa isna marti madasha fadhiday ka codsay in ay ilaahay u baryaan inuu ku asturo xilka loo dhiibay,isaga oo cadeeyay In ay waajib tahay in ninba meel shaqada qaranka gaadhsiiyo.

Gaba-gabadii xafladaasi waxa shahaado sharaf lagu sagootinayo wasiirka Cadaalada iyo Wasiir ku xigeenkii Lagu guddoonsiiyay iyaga oo shaqaalahu wasaaraduna wasiir inta uu xilka hayay ku sheegay inuu ka soo dhalaalay shaqadiisa.

– See more at: http://hadhwanaagnews.ca/detail.aspx?id=167179#sthash.NoeA6j1k.dpuf