Xildhibaan Talyaanle oo ka hadlay Shirkii Xalay Ee Madaxtooyada iyo dibu dhigista Shirka Kulmiye

0
62

Hargeysa(Waaheen)  Guddoomiyaha saddexaad ee xisbiga Kulmiye Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle, kana mid ah xubnaha iska casilay qabanqaabada shirka Kulmiye ayaa sharaxaad ka bixiyay kulan ay xalay madaxweynaha Somaliland la yeesheen.

TalyanleeKulanka oo dhexmaray guddoomiye xigeenka labaad ee Kulmiye xildhibaan Waabeeye, Xildhibaan Talyanle, guddoomiye xigeenka 1-aad ee Wakiillada Baashe Maxamed Faarax iyo guddoomiye xigeenka labaad Cali Yuusuf Axmed oo metelaya garabka musharaxiinta isbahaystay iyo madaxweynaha oo ay weheliyaan dhawr wasiiradiisa ka mid ah waxaa lagaga hadlay xaaladda Kulmiye.

Xildhibaan Talyanle oo maanta saxaafadda kula hadlay Hargeysa waxa uu sheegay inay si fiican isu afgarteen Madaxweynaha, rajo fiicanna ka qabaan in arrimaha xisbiga xal laga gaadhi doono. Waxa uu sheegay in wali wada hadalku u socdo madaxweynaha iyo garabkooda oo cabashooyin dhawr ah qaba.

Geesta kale waxa uu xildhibaanku sheegay inay madaxweynaha u gudbiyeen soo jeedin ah in shirka golaha dhexe ee loo asteeyay 10 November dib loo dhigo, maadaama xisbiga ay hor yaalaan arrimo culus, lamana hubo in arrintaasi ay aqbali doonaan madaxweynaha iyo garabka Muuse Biixi.