Dagaalka SILAANYO Iyo QARANKA By Mukhtar Cilmi‏

0
83

Is casilaad wadareedkan wasiirrada tiradaas lihi ay dhaafay 20 wasiiro isbooc gudihii kaga baxeen golaha xukuumadda waxa ay SILAANYO iyo xukuumadiisa mudadeesan ku keenaysaa dhaawac iyo hoos u dhac sumcadeed. Tusaale ahaan maadaama oo wasiirrada iscasilay ay joogeen wasaaraddo muhiim u ah qaranka oo shaqo xaami ahi ka socoto, isla markaana ay ahaayeen raggii faylasha shaqo ee wasaaradahan soo hayey sannadihii madaxweynuhu xilka hayey, waxa ay hoos u dhac iyo dhaawac ku keenaysaa shaqadii socotay, oo ugu yaraan masuul kasta oo uga dambeeya ay ku adkaanayso in uu muddada aadka u gaaban ee cimriga xukuumadda ka hadhay kula jaanqaado sii wadista geeddiga socday.ok hadaba sida wararku ay sheegayaan ee dhabta ah in laba wasiir oo u hadhay SILAANYO in ay is casilayaan sacadaha soo socda wasiirada maaliyadda SAMSAM iyo Wasiirka Warfaafinta CUKUSE!, waxayna tusaysa in SILAANYO gaadhay wakhti laga wada guuray oo aan xita lala shaqayn Karin.

 

Waxaana aad ka daraymaysa hadalada shalay ka soo baxayay wasiiraddi is casilay iyo xildhibaano sida xil.C/Raxmaan dheere oo taabtay meel xasaasi ah in u SILAANYO xaga miyirka wax ka qabo!!, taasi waxay meesha soo galinayasa in laysla tagi doono golaha baarlamaanka mudan ee hoggaminayo Gud.C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo la keen karo mar haddi dalbadaan mudanayaasha xildhibaanada golaha mooshin xil xayuubin Madaxweyneha ! waana dhici karta dastuuriyaan.dagaalkan ray’igayga wuxuu tagaya golaha maadama ay aqlabiyadda baarlamaanku yahay KULMIYE iyo WADDANI. SAYLACII oo ila shalay ku hawlsana hawsha shirida xildhibaanada KULMIYE oo ay ogadayn in aqlabiyada u fadhida golaha ay ka guurayn SILAANYO !.TALO ahaan u soo jeedin laha SAYLACI hadii taasi dhacdo adiga noqonaya madaxweyne ku meel gaadh ah inti ay doorasho dalkan ka dhacdo ee ka leexo!.xaalada KULMIYE way xuntahay dagalka u dhaxeeya AAMINA WARIS VS XIRSI waa mid culus dholkana dhigi doono SILAANYO oo haatan xukunkiisu yahay mid la wada nacay.

 

Siyaasad ahaan SILAANYO way u dhamaatay inu ka tanaasulay musharaxnimaddina aya u haboon in u imika ku dhawaaqo, in inqilab KULMIYE lagu qabsaday ila liiska xubanaha waa la arka taasna waxa cadeeyay TALYANLE –WAABEEYEY !!,u dhamaatay KULMIYE ,XIRSI naa dagaal aan caadi ahayn ayuu kula jiray inta ku hadhay madaxtooyadda !!. ila xalay iyo habeen hore amniga magaaladu wuu adka wana laga dareemayay waxaana wax walba kakla cadaan doonaan ayaamahan soo scoda.

 

By Mukhtar Cilmi

 

mukhtarcilmi@hotmail.com