War-saxaafadeed: Xisbiga Wadani oo markii ugu Horeysay ka hadlay Is Casilaadii Wasiirada iyo Xaalada Kulmiye.

0
132

Hargeysa(Waaheen)Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa markii ugu horaysay ka hadlay xaalada xisbiga Kulmiye iyo is casilaadii wasiiradii ka tirsanaa xukuumada.

Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray kaga hadlay sida ay u arkaan is casilaada wasiirada, waxaanu warsaxaafadeedkaasi u dhignaa sidan “Bishan Oktoobar 26dii, 2015ka, waxa magaalada Hargeysa ka dhex qarxay muran iyo is-maan-dhaaf ka dhex jiray Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye ee talada haya oo soo taxnaa tan iyo Kal-fadhigii 3aad ee Xisbiga ee Burco ku qabsoomay 2008kii.

Isaga oo Xisbiga Kulmiye ku magacaaban Xisbiga talada dalka hayay ilaa waqtigaas jidka uu marayay wuxu ahaa dariiq

aan ka tarjumayn himilada habka dimuqraaddiga ah iyo tartan xalaal ah, bal se wuxu u biyo-shubanayay qori-isu-dhiib kooxeed. Wuxu inagu waday waddo khaldan oo uu ku ambinayo qarankan socod-baradka ah. Waxaynu halis ugu jirnaa in aynu mar kale sidii lixdankii la inoo anmbiyo oo himilada iyo halgankii ummadda loo jaho-wareeriyo.Haddii aanu Xisbiga Waddani nahay aad ayaanu iskaga dhowrnay in aanu ka hadalno ama faro-gelinno doodaha iyo murannada Xisbigaa dhexdiisa ka socday, annaga oo aamminsan in aanaan ka nabad-galleen annaga oo aan dhiillo naga dhex taagnayn. Mar haddiii immika burbur dawladeed iyo walaac qaranba abuurmeen, waxaanu Xisbi ahaan aamminsan nahay in lagu dhaqmo habka dimuqraaddiyadda, tartanka xalaasha ah iyo xeerara kala gaarka ah ee ay Xisbiyadu ay leeyihiin iyo ka guud ee ka dhexeeya ee Lam. 14aad. Waxaanu aamminsan nahay in laga fogaado kooxaysiga qori-isu-dhiibka ah iyo ku-danaysiga magaca reeraha oo ay Xukuumaddan Siilaanyo si baahsan oo fool xun u adeegsatay intii ay talada dalka haysay.

Waxaanu shacbiga Somaliland u sheegaynaa in aanu dariiqa ay jeexayaan uu yahay mid aan lagaga dayan karin. Wax la qaadan karo ma aha in Madaxweynuhu isugu yeedho koox Wasiirro ah oo uu reernimo ku xushay, isaga oo isugu yeedhi karayay Golihiisa Xukuumadda oo isu dhan oo uu talo weydiin karayay. Waana dhaqan uu shantaa sannadood ku shaqaynayay oo dal iyo dadba aafeeyay.

Xukuumadda Kulmiye ee uu hoggaaminayo Mudane Siilaanyo, waxay abuurtay shaki iyo mugdi isku gedaamay Somaliland oo werwer iyo walaacba ku abuuray beesha caalamka iyo dadkii maal-gashan lahaaba. Dhaqanka Xukuumaddan iyo Xisbigani, wuxu waxba-kama-jiraan ka dhigayaa tacabkii iyo guulihii dhiigga lagu hantiyay ee shacbiga Somaliland.

Xisbiga Waddani isaga oo qaddarinaya midnimada iyo nabadgelyada qaranka, wuxu shacbiga Somaliland ugu baaqayaa feejignaan iyo nabadda oo la ilaaliyo.,

Sow kii Gaarriye lahaa:

“Nin dawee la leeyahay,

Dembi uu badh leeyahay,

Xalka doon la leeyahay,

Isaguu u daranyoo,

In la daaro ma oggola,”

 

Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Waddani

Maxamed Cabdilaahi Uurcade

– See more at: http://hadhwanaagnews.ca/detail.aspx?id=166790#sthash.tmyACSkz.dpuf