Muuse Biixi oo Marwada Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay golaha Dhexe ee Kulmiye, una markhaati furay wasiirka Beeraha oo ugu Ololeeya in Qoyska Siilaanyo wato

0
59

“miyaanay cadayn idiinku filayn in Marwadu annaga nala socoto oo wax dhex-dhexaad la yidhaahdaa aanu jirin.”
“Madaxweynuhuna waa la mid oo way is ogyihiin isaga iyo Marwadu ileyn naagina waxaanu ninkeedu ogolayn ma samayso’e” Wasiirka Beeraha
shilHargeysa(Waaheen) Guddoomiyaha KULMIYE Oo Soo Saaray Liiska 23-ka Xubnood Ee Uu Golaha Dhexe Ku Leeyahay Iyo Qaabka Uu Beelaha Ugu Qaybiyay
Muuse Biixi Cabdi Oo Tariikhda Intu Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Aha Markii Ugu Horeysay Magacaabay 23 Xubood Oo Golaha Dhexe Ah, Isagoo 13 Ka mida ka Dhigay beesha uu ka soo jeedo
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, oo ah Musharax Xisbiga uga taagan Jagada Madaxweynaha, ayaa soo saaray liiska 23 xubnood oo Golaha dhexe ah oo uu magacaabay iyo qaabka uu beelaha reer Somaliland ugu qaybiyay oo aad u kala fog,waxaannu habkani uu daboolka ka qaadayaa xaqsoornimadiisa iyo sad-bursiga uu markiiba muujiyay.
Magacyada iyo Qabiilooyinka ay ka soo jeedaan 23 Xubnood.
1-     Marwada Madaxweynaha Aaminna Xaaji Maxamed Jirde  Habar awal (Ciise Muuse)
2-      Canab Cumar Ileeye  Habar awal (Sacad Muuse)
3-      Cali Sheekh Yoonis Habar awal (Sacad Muuse)
4-      Xasan Mawliid  Habar awal (Sacad Muuse)
5-      Xuseen Maxamed Rodol  Habar awal (Sacad Muuse)
6-      Aaminna Yuusuf Aar (Timo dheer) Habar awal (Sacad Muuse)
7-      Axmed Yuusuf Dirir Habar awal (Sacad Muuse)
8-      Samsam galbeedi         Habar awal (Sacad Muuse)
9-      Hodan Axmed Cabdillaahi                Habar Awal………(Sacad Muuse)
10-   Maxamuud Saalax Cabdi                Habar Awal.…….(Sacad Muuse)
11-   . Faadumo Yuusuf Qodax               Habar Awal……….(Sacad Muuse)
12-   Aniisa Nuur Cigaal:                         Habar Awal………(Ciise Muuse)
13-   Cabdi Giire .                                   Arab
14-   Khaliif Maxamed Warsame:          Habar Jeclo
15-   Maxamed Yuusuf Siciid.               Ciidagale.
16-   Aamina Xaji Axmed Miisan:        Samaroon.
17-   Dalays Shire Faarax:                   Habar Jeclo
18-   Baashe Cawil Xaji Cumar                 Habar Jeclo
19-   Xasan Faarax Jagac:                       Habar Jeclo
20-   Gen: Xasan Sallin:                           Habar Jeclo
21-   Guuleed Jaamac Ducaale             Habar Yoonis
22-   C/qani Aadan Cadde:                      Dhulbahante
23-   Cumar Dixood.                                 Arab.
Dhinaca kale, magacaabida Muuse Biixi u magacaabay Marwada iyo wiilka ay Sodohda u tahay inay ka mid noqdaan Golaha Dhexe ayaa markhaati ma doon u noqotay erayo uu Wasiirka beeraha Somaliland Md Maxamed Aw Daahir ku kashifay heshiis iyo wada shaqayn  qarsoodi ah oo  ka dhexeeya  Marwada  Madaxweynaha  Somaliland Marwo Aamina-Weris Sheekh Maxamed iyo garabka Xisbiga Kulmiye ee taageersan Murashaxnimada Muuse Biixi Cabdi, oo ka mid ah siyaasiyiinta u taagan tartanka murashaxnimada Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye oo lagu dooran doono kalfadhiga Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee la qaban doono 10-ka bisha November ee 2015-ka.
Wasiirku waxa uu sidaa ka sheegay kulan uu shalay magaalada Hargeysa kula yeeshay xubno ka tirsan Xildhibaanada Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye  oo ka soo jeeda Gobolka Gabiley, kuwaas oo uu ku xod xodanayey inay      ku soo biiraan     garabkooda oo uu sheegay inay taageero  ka haystaan  xukuumadda.
iyo qoyska Madaxweynahaba, gaar ahaan  marwada Madaxweynaha  Aamina-Weris Sheekh Maxamed Jirde,  sidaas aawadeedna aanay suurto-gal ahayn in Murashaxooda laga guulaysto.
Wasiir Maxamed Aw Daahir  waxa kale oo uu wax-ba kama jiraan ku tilmaamay in Madaxweynaha iyo Qoyskiisu dhex-dhexaad u yihiin murashaxiinta ku tartamaya shirka Golaha dhexe ee xisbul xaakimka Kulmiye, waxaanu  ku dooday  in     hadalka ku saabsan    in Xisbiga Kulmiye si cadaalad ah loogu tartamayo iyo in  Madaxweynaha iyo  Marwadiisu dhex  u yihiin raga ku tartamaya  Xisbiga Kulmiye  uu yahay hadal siyaasadeed oo aanay waxba ka jirin, balse  xaqiiqadu tahay in Marwada Madaxweynuhu dhinacooda la socoto oo ay Muuse Biixi dhisayso. Isaga oo arintaas xaqiijinayana Wasiir Maxamed Aw Daahir waxa  hadalkiisii ka mid ahaa uu yidhi  “Haddii aad arrintaas  cadaynteeda I weydiiseen waxaan idiin sheegayaa oo aan been ahayn  maalintii  dhoweyd ee Madaxweynaha iyo weftigii la socdey u ambabaxayeen Ireland iyo Ingiriiska habeenkii ka horeeyey waxaa Madaxweynaha la balansanaa niman reer Nuux Ismaaciil ah oo uu soo abaabulay ninkan Wasiirka Khaarajiga ah ee dhowaan  magaca cusub loo bixiyey….. Maxuu ahaa magacii ? Habeenkaas laftiisa ayaaba magaca loo bixiyaye.. Haa Jug soo dhacay buu ahaaye, ayaa waxa maalintaas ay caawa oo kale nimankaasi Madaxweynaha la kulmayeen  ayaa gelinkii dambe iyada oo aanu aniga iyo Shucayb Wasiirka Wershadahu  joogno Geed Balaadh   oo aanu Riiggii la qodayey arrintiisa u tagnay ila soo hadashay Aamina-weris Marwada Madaxweynaha, waxaanay igu tidhi caawa waxaa Madaxweynaha la balansan odayaal Sacad Muuse ah oo uu Maxamed Biixi wato, arrinta ay ka hadlayaana waa arrintii shirka Kulmiye iyo murashaxnimada Maxamed Biixi oo  ay leeyihiin Muuse ma taageeri kartid, markaa Wasiirradiinii Sacad Muuse ee Muuse Biixi taageersanaa waa inaad kulankaas goob-joog  ka noqotaan, oo odayada Madaxweynaha loo keenayona ogaataan oo qaar idinka idin taageersan ku soo darsataan. Markaa u sheeg arrintaas Wasiirrada kale ee Shucayb iyo Muuse Qaasim-ba,  Samsam-na anigaa u sheegi doona, dabadeedna aniga iyo Shucayb-ba halkii baanu ka soo cararnay.
Waxa kale oo ay la hadashay Muuse Biixi iyo qolyihii kale ee halkan joogay oo ay ku tidhi fadhiga ka kaca oo idinkuna isa soo abaabula oo markay nimankaasi Madaxweynaha u yimaadaan idinkuna u kaalaya oo idinba Sacad Muuse ayaad tihiine u sheega Madaxweynaha inaydaan la qabin waxa nimankaasi wataan. Wixii halkaas ka dhacayna waatii aad maqasheen ee aniga iyo Shucayb aanu kaxaynay qoladii dhinacayaga, ee weliba aanu annagu Madaxweynaha ka hor aragnay qoladii kale ee balantoodu naga horeysay, taasi miyaanay cadayn idiinku filayn in Marwadu annaga nala socoto oo wax dhex-dhexaad la yidhaahdaa aanu jirin.”
Wasiirka Beeruhu isagoo arrintaasi u sii jilcinayay Xildhibaanadda waxa uu yidhi “Haddii aad u baahan tihiina boqolaal cadaymood oo kale ayaanu idiin haynaa waa haddii aad intaas ku qanci weydaan.  Markaa adeer  been idiinma sheegayno’e na rumaysta oo waxaanu diidanahay inaad cidla ku dhacdaane na raaca oo hadaad cid taageeraysaan ninka wax haysta ee dawladu wadato taageera intaad mid Garanwaa ah oo cirka ka soo dhacay iyo Mid aan wax-ba haysan oo Jug-soo dhacay ahi idin kaxaysan lahaa. Hadaad u baahan tihiina Marwada waanu idiin geyn oo indhihiina ayaad ku soo arki doontaan inay dhex tahay iyo in kale, Madaxweynuhuna waa la mid oo way is ogyihiin isaga iyo Marwadu ileyn naagina waxaanu ninkeedu ogolayn ma samayso’e.”

Wasiirku waxa kale oo uu xusay in qoddobka labaad ee daliilka u ah in Marwadu la socota garabkoodu yahay arrintii maalintii dhoweyd dhacday ee Ciidamada RRU-du murashaxiinta Muuse Biixi la tartamaya kaga horjoogsadeen shirkii ay ku qabsan lahaayeen Hotel Maansoor, kaasoo uu sheegay inay Marwadu ku soo amartay taliyaha Booliska iyo Wasiirka daakhiliga inaanu shirkaasi qabsoomin oo laga horjoogsado inay Huteeladda  wax shirar ah ku qabsadaan.
Wasiirka Beerahu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa kale oo uu  intaas raaciyey in  dhammaan-ba amar la siin doono Wasiirrada iyo raga kale ee Xukuumadda u shaqeeya ee Muuse Biixi ka soo horjeeda, midkastana lagu odhan doono raaca Muuse Biixi, kii hadal ka keenana xilka laga qaadi doono, waxaanu intaas ku daray in haatan-ba qaar Wasiirradaas ka mid ah uu Telefoonka kula soo hadlay wiilka uu Madaxweynuhu sodoga u yahay ee lagu magacaabo Baashe, isla mar ahaantaana uu amar ku siiyey inay ka hadhaan qolyaha kale ee ay la socdaan, kuna biiraan garabka Muuse Biixi.