Madaxweyne Siilaanyo oo wasiiradda Beeshiisa amray inay taageeraan Muuse Biixi

0
53

Hargeysa(Waaheen) Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa xalay qasriga madaxtooyadda ugu yeedhay wasiiradda beeshiisa kaga jira xukuumadda, waxaanu u ku amray inay taageeraan Muuse Biixi Cabdi, haddii kale uu talaabo ka qaadi doono kii diida amarkiisa.

ssssWasiiradda beesha Siilaanyo ayaa arrintan ku kala aragti duwanaaday, waxaanay u kala jabeen qaar taageersan hadalka Siilaanyo iyo kuwo ka hor yimi oo madaxweynaha u sheegay inay taageersan yihiin musharaxiinta kale xisbigana in lagu tartamaa ay tahay dimuquraadiyadda uu u dhisan yahay.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa ka gaws-qabsaday hadalka ay ku soo celiyeen, hase yeeshee wax go’aan ah oo uu ka qaatay ma jirto, marka laga reebo sida wararka xogogaalka ahi sheegayaan waxa la filayaa in khilaaf saameeya xukuumaddu hadhayn doono dooda ka dhex qaraxday siilaanyo iyo wasiiradda beeshiisa.

Dhawaaqa Siilaanyo ayaa daaha ka fayday loolan adag oo ay musharaxiinta ka soo horjeeda Muuse Biixi waajahi doonaan, waxaana la filayaa shirka xalay in uu wax badan ka bedeli doono qaabkii uu u socday Ololahoodu, maadaama uu madaxweyne siilaanyo meel cad istaagay.

Kulanka xalay ayaa la sheegayaa in uu fuliyey wiilka uu Madaxweyne Siilaanyo sodoga u yahay oo la sheegayo in uu shalay dalka soo gaadhay, isla markaana bilaabay in uu soo af-jaro tuhunadii la isla dhex marayey ee ahaa in madaxtooyaddu kala raacsan tahay musharaxiinta.

sidoo kale, waxa kulankii xalay soo dadajiyey liiskii Muuse Biixi soo saaray ee ay hormoodka ka ahaayeen Marwada Madaxweyne Siilaano Aamina waris iyo wiilka ay sodohda u tahay, kuwaas oo gadh-wadeen ka noqonaya sida muuqata Ololaha Musharaxnimo ee Muuse Biixi Cabdi