Xisbiga Waddani oo Soo Dhaweyey Amarka Xayirada ay Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex Saartay Iibinta Xarunta Dugsiga Waxbarashada Haweenka.

0
20

 

hILAACHargeysa(Waaheen) Xog-hayaha Dib u dajinta ee Xisbiga Mucaaridka ee Waddani Jaamac Maxamed Hilaac ayaa soo dhaweyey amarka Xayiraad ee ay maxkamada Gobolka Maroodi-jeex ay saartay Iibka Dhismaha Xarunta Waxbarashada Haweenka (Hargeysa Women  Club) xaruntaas oo dhawaan xukumadu iibisay.

Xog-hayuhu wuxu sheegay in haddii ay dhab noqoto amarka Xayiraadani ay taasi muujinayso  in ay hay’adaha garsoorka oo ah kuwo Madaxbaan ay karti  iyo awood u leeyihiin in ay joojiyaan, boobka iyo iibka sharcidarada ah ee xukumadu iyo  qaybo ka mid ah bulshadu ay ku hayaan dhismayaasha iyo danaha guud oo ah  kuwo  qaranku wada leeyahay looguna adeegayo shacbiga.

Xog-hayuhu wuxu sheegay in iibka xaruntan ay ku soo beegmayso wakhti ay adeegyada bulshadu ay u baahan yihiin ay kor u sii kacayso iyada oo xukumaduna tirtirayso meeshana ka saarayso goobihii bulshada loogu adeegi laaha, waxa kale oo uu sheegay in xukumada wakhtigan jirta oo aan ehel u ahayn wax loo yaqaano  dawladnimada ay aaminsan tahay in dawladnimadu tahay khayrad (Resources) beello loo kala qaybsanayo, balse waxaanu u sheegayaa in dawladnimadu tahay adeegyo kali ah (Serves).

Xog-hayuhu wuxu ganacsatada  iyo dadka kale ee Shilimada haysta uga digay in ay ka fogaadan iibka iyo la wareegista danaha guud ee shacabka Somaliland wada leeyahay kuwaasi oo iibkooda iyo qaadashooda marna aan xalaal u noqonayn.