Cashuurtii Ku Waajibtay Haamaha Shiidalka Berbera oo aan la soo Xareyn

0
45

Haamaha-BerberaCashuurta la la’yahay ayaa loo aanaynayaa inay laba ka dhaxeeye ku maqantahay maadaama maamulkii hore ee Haamaha laga wareejiyeyBerbera(Waaheen) Cashuurtii ay wasaaradda Maaliyaddu ku lahayd Shiidaalka oo bishiiba dhawr jeer la xareeyo ayaa lagu soo waramayaa in qayb ka mid ah laga la’yahay maamulka Haamaha Shiidaalka Berbera oo dhawaan toddobaadkan la la kala wareegay.

Maareeyaha cusub ee Haamaha Shiidaal C/laahi Gahayr ayaa lagu wareejiyey Dayn, hase yeeshee waxa soo baxaya in cashuurtii Maaliyaddu ku lahayd qaybo ka mid ah bishan la la’yahay, waxaanay wararku sheegayaan inay arrintani dhawr jeer oo hore dhacday, balse si isweydaar ah uu Maareeyihii hore u dabari jiray.

Cashuurta la la’yahay ayaa loo aanaynayaa inay laba ka dhaxeeyn ku maqantahay maadaama maamulkii hore ee Haamaha laga wareejiyey, ka cusub ee lagu wareejiyey  aanu wali soo xarayn cashuurta ay Maaliyaddu ku leedahay shiidaalka ka baxa Haamaha.

Maamulka cusub ee Haamaha loo dhiibay ayaa qayb ka ah shirkaddaha lagu wareejiyey maamulida Haamaha, inkasta oo uu hore ba Maareeye uga soo noqday ka hor intaan shirkadaha lagu wareejin.