Hawl-wadeenadii Diiwaangalinta ee la Qafaashay oo la soo daayey iyo Komishanka oo ka hadlay

0
83

 qafaashHargeysa(Waaheen)- Guddoomiyaha hay’adda Samofalka Taakulo, Cumar Jaamac Faarax, oo ka mid ahaa xubnaha komishanka doorashada Somaliland ka socday ee Doraad maamulka Puntland qafaashay ayaa sharaxay sababaha loo afduubay iyo hawlaha ay u socdeen.

 Guddoomiyaha gobolka Sanaag ee komishanka doorashada  Somaliland Axmed Cali Biixi, xildhibaanad Qamar Taleex oo ka tirsan golaha deegaanka ee degmada Ceerigaabo, masuuliyiinta laba urur oo waday wacyigalinta diwaangalinta iyo darawalada laba gaadhi oo ay wateen ayaa maanta xorriyadooda dib u helay kadib markii ciidamo Puntland taabacsani shalay kaxaysteen.

“Shalay labadii duhurnimo anagoo Hadaaftimo iyo Yube dhexdeeda marayna ayay ciidamo hubaysan oo Puntland ahi na qabteen, anaga iyo agabkayagii iyo gaadiidkayagiiba way la wareegeen, waxayna nagu xidheen saldhig military oo ciidanka Puntland ku leeyihiin magaalada Badhan,” ayuu yidhi Cumar Jaamac Faarax oo VOA-da la hadlay.

 Waxa uu ka hadlay ujeedka safarkooda “Tiradayadu waxay ahayd 8 qof waxaanuna u soconay wacyigalinta diwaangalinta codbixiyeyaasha, arrintaas ayaanu wadnay oo waxaanu doonaynay inaanu Badhan iyo ilaa Dhahar iyo nawaaxigeeda soo maro. Waxaa na qabsaday maamulka Puntland oo diidanaa siyaasadda iyo barnaamijka doorashada Somaliland oo Puntland soo galaya, sidaasi ayay noo sheegeen,” ayuu yidhi Madaxa ururka Taakulo.

 Waxa uu sidoo kale sheegay in si sharaf leh loola dhaqmay “ Wanaagsan oo sharaf leh ayaa naloola dhaqmay inkasta oo agabkii nalagala wareegay. Agarbka nalagala hadhay waa kii wacyigalinta ee waraaqihii aanu sidanay ee aanu dadka u qaybinaynay ee aanu gidaarada ku dhejinaynay wax kale se nooma gaysan oo gaadiidkayagii, hantidayadii iyo anaguba aad baanu u nabad qabnaa,” ayuu yidhi.

 Wuxuu sheegay inuu soo daayay ninka madaxda ka ah ciidanka afduubtay “ Waxaa na soo daayay taliyaha ciidanka jiida Badhan ee Puntland Cabdillaahi Cumar Cashuur ninka la yidhaahdo, oo si wanaagsan noola dhaqmay na soo raaciyayna ciidan na keenay Yube iyo Jiidali dhexdooda. Wuxuu ninkaasi yidhi dad badani wuu ila soo xidhiidhay laakiin waxaan idinku soo daayay wax isku ahaanshaha dadka, degaanka iyo dadkana waan garanayaa, markaa go’aan uu isagu qaatay ayuu ahaa,” ayuu yidhi Mr Cumar.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay inaanay aaggaasi ka soconayn diwaangalinta codbixiyuhu “Anagu waa nagaa dib uga soo noqonay, barnaamij aanay labada dawladdood ka wada socona kama fuli karo, sidaasi ayaanu uga soo noqonay hadda,” ayuu yidhi, isagoo intaasi raaciyay inay qaybaha kale ee gobolka Sanaag ka sii wadayaan wacyigalinta diwaangalinta,

 

Xukumadda Somaliland, gaar ahaana siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolada bari ayaa si weyn u dhiiri galinaya sidii doorashada 2017 ee wakiilada iyo madaxtooyadu uga dhici lahayd gobolada bari oo aanay hore doorashooyinka Somaliland u gaadhi jirin, balse wali ma cadda inay ka dhici doonto iyo in kale iyadoo arrintani hor dhac u ah caqbado dhinaca ammaanka ah.

 

Dhinaca kale, Warsaxaafadeedka Komishanka doorashooyinka Qaranka Somalilandka soo baxay ayaa lagu cadeeyey inay Hawl-wadeenadani Komishanka Qaranka ka socdeen isla markaana ay wadeen Hawlo la xidhiidha Wacyigalinta Diiwangalinta.

War-saxaafadeedka Komishanka Doorashooyinka Qaranku oo uu ku saxeexan yahay Af-hayeenka Xubnaha Komishanka Qaranku Siciid Cali Muuse waxa uu u dhignaa sidan:-

Maalintii Shalay oo ay Bisha Oktoobar ahayd 18/2015, waxa si lama filaan ah loogu qabsaday meel u dhexaysa Yuube iyo Hadaaftimo, koox ka socotay wacyigalinta diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo masuuliyiin ka tirsan KDQ heer gobal ah, oo ka ambabaxday magaalo madaxda gobolka Sanaag.

  Masuuliyiinta hawshan waday waxay siteen warqad qoraal ah oo lagu wargalinayey shaqada ay u qabanayaan KDQ. Warqadan oo ka soo baxday KDQ, kuna socotay dhamaan; -Gudoomiyayaasha Gobolada dalka. Maayarada Gobolada dalka. Guddoomiyayaasha komishanka heer gobal. –               Gudoomiyayaasha komishanka heer degmo –        Iyo masuuliyiinta kale ee heer gobol iyo mid degmaba ah. Ka hor bixixitaankii masuuliyiinta xagga Sanaag bari, waxay masuuliyiintu la shireen, maamulka heer gobal iyo degmoba Ceerigaabo una gudbiyeen fariinta ay ka sidaan KDQ. KDQ markuu la xidhiidhay, Suldaanka guud suladaan Saeed Suldaan Abdislaan suladan Ali shire, maamulka gobalka iyo masuuliyiintii hawsha waday waxa ay xaqiijiyeen in la soo af jaray hawshaa, masuuliyiintiina dib ugu soo laabteen magaalada ceerigaabo.

Hawl-wadeenadii Diiwaangalinta ee la Qafaashay oo la soo daayey iyo Komishanka oo ka hadlay