Awdal Waa Indhaha Somaliland

0
81

Marka aad maqasho magaca Gobolka Awdal, waxa maskaxdaada ku soo degdegaya nabadgelyo, aqoon, horumar, iyo xadaarad. Maaha mala-awaal si dhibyar iskaga abuurmay, balse waa maxsuul ka dhashay dadaal soo jireen ah oo ay bixiyeen dadka deegaankaasi, oo ay hormuud u ahaayeen odayaal indheergarad ahi. Iska dhaaf horumarka deegaanadooda ay ka hirgaliyeene, waxa ay khuruuj nabadgelyo iyo horumar ugu baxeen gobolada Soomaaliland. Sidoo kale, gobolka Awdal waxa uu ibbofuray hayaanka tacliinta sarre, Cammuud ayaana noqotay jaamacaddii u horeysay ee laga hirgaliyo gayiga Soomaali tan iyo jabkii ku yimid qaranimaddii Soomaalida. Mahadi ha gaadho haldoorkii hindisahaas la yimide, maanta magaalo wal oo Soomaaliyeed jaamacad ayaa ku taala, dhabadii reer Boorama ayaana dhamaan la wada qaaday. Dhinaca waddooyinka, dadka reer Awdal oo isku tashaday ayaa dhistay wadaddii u horeysay ee laami ah (Dilla-Boorama), inkasta oo markii danbe ee xukuumaddu ku qanacday hidisaha fog ee dadkaasi, gacan weyn ka geysatay. Maanta degmo wal oo Soomaaliland ah, dadkeedu waxay guclo orod ugu jiraan inay jidad laami ah dhistaan. Ku darsoo, magaalada Boorama biyuhu kama go’aan, sababtuna waa maaraynta toosan ee loo dhigay khayraadka dabiiciga ah ee biyuhu u mudan yihiin. Ka geyoon mayno haddii aan waysada u biyaysano inaan taxno talaabooyinka la mahadiyey ee reer Awdal hormuudka ka yihiin.

 

Maxaa isbeddelay?

 

Dhinaca siyaasada iyo wax wada lahaanshaha, reer Awdal waxay tirsanayaan, inaan loogu lisin sidii ay mudnaayeen. Tusaale ahaan, tan iyo intii xukuumadda Siilaanyo xukunka la wareegtay, wasiiro magac u yaal ah ayaa loo qoondeeyey sida arrimaha qoyska iyo boosaha. Taliyayaasha ciidamadda ilaa dhawaan way ka qatanaayeen. Fursadaha shaqo abuur ee dawladdu bixisana si beelaysan ayaa loo maamulaa, inta badana beelaha darifyadu way ka ooman yihiin. Dhinaca mashaariicda, sanduuqa horumarinta Somaliland, 5% kaliya ayaa gobolkaasi la galiyey.

 

Iyaga oo waxaasi oo dhan tirsanaya, haddanna sidii lagu yaqaanay ayay si cilmiyaysan dareenkooda u soo gudbiyeen. Hoggaanka dhaqanka ee goboladaas oo isku duuban ayaa madaxweynaha u gacangeliyey qoraal tifafyo-tiran oo koobsanaya gacan-bidixaynta beeshu tirsatay. Madaxweynuhu intuu muddo iska aamusnaa ayuu kaaga darane markii danbe, qaar ka mid ah raggii eexda laga tirsanayay guddi xaqiiqo raadis ah ugu magacaabay. Talaabadaasi ayaa keentay in mid ka mid Suldaanka beelaha ugu baaxadda weyni uu duurka galo. Inkasta oo dad badani aanay la dhacsanayn sida Suldaankaasi wax u wado, haddanna habdhaqanka ka sii liita ee xukuumadda maanta ayaa u muuqda mid u shaqaynaya oo suldaanka iyo xertiisa diirinaya. Tusaale ahaan, dhawaan markii labada askari lagu dilay, Boorama, halkii ay xukuumadda maantu nabadda ka adkayn lahayd, umaddana qalbiyadooda u hanan lahayd, waxay doorbiday inay arrinta sii huriso, maxaa wacay, indheergaradkii, ganacsatadii iyo dhallintii beesha deegaanka Boorama ayaa

haybta ay la wadaagaan Suldaan Wabar kaliya xabsiyada looga buuxiyey. Ilaa maanta muwaadiniintaasi, sifo aan sharci ahayn ayay xabsiga ugu jiraan. Haddii ay xukuumadda maanta ka go’an tahay adkaynta ammaanka gobolka, waxay ahayd inay nimanka habeenkii magaalada hawlgalada ka fulinaya, talaabo ka qaado, balse aanay ku wayrixin waayeel iyo ganacsato ilaa maanta ay ku cadayn kari laada’ay ku lug lahaanshaha hawlaha lagu tuhmay.

 

Isku soo wada duuboo, sida arrintan loo maamulay, laba arrimood midkood ayay ina tusaysaa: in taladii degmaddu iyo gobolkuba u gacan gashay magudbayaal maangaaban oo siddan xal mooday ama cadaw aan dan iyo muraad ka lahayn mustaqbalka danbe ee gobolada Galbeed iyo guud ahaan dalkaba. Madaxweyne ku xigeenka oo ah mas’uulka ugu darajo sareeya ee goboladaas ka soo jeedana, waxa ceeb ugu filan, in markii ugu horeysay taariikhda dalka, haldoor deegaamadaas ka soo jeeda, xabsiyada looga buuxiyo haybta Eebe ka dhaliyey, xilli waliba xukunka dalku isaga gacanta ugu jiro. Ku darsoo, taariikhdu hilmaami mayso inay dhitayso, maamulka maanta ee halista ku ah burburinta nabada iyo horumarka lagu majeerto deegaanadaas.

 

Maxaa Xal ah

Xukuumadda Kulmiye ha iska dhaafto dhegoolaynta oo si dhab ah wax ha uga qabato tabashada dadka galbeedku tirsanayaan. Dadka sida dulmiga ah xabsiyada uga buuxa hala soo daayo, wadahadalna hala furo. Badhasaabka hadda jooga oo u muuqda mid xaalad abuur ah degdeg ha loo bedelo, qof deegaanka ah oo xaaladda dabdamis u noqdana hala magacaabo. Maamulka dawladda hoose oo u muuqda mid ku haftay mowjadaha siyaasadda, golaha deegaanku degdeg wax ha uga bedelaan. Suldaanka duurka galayna, jawigii uu ku soo noqon lahaa hala abuuro, isaguna ha ogaado, tabtan uu wado inaanay reerka ugu badinayn.

 

Cismaan Faarax

Boorama