Xukumadda Xurmo Daran iyo Xaalkeeda Maanta!

0
153

2015-10-17 08.40.35-1Qodobka 37aad ee Distoorkeenu sidan ayuu leeyahay:
QODOBKA 37AAD
AWOODDA IYO KARAAMADA QARANKA
1. Eebbaha ummadda Somaliland ku beeray geyigani waxa uu ugu deeqay awood iyo karaamo Qaranimo. Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu awooddaas iyo karaamadaas sida ku cad Dastuurka u igmaday dawlad ku dhisnaan doonta kuna dhaqmi doonta Dastuurka.

Iska daa iney Karaamadii, Sharaftii iyo qiimihi qaranka ilaaliyaane iyagiiba kooxo u kala baxay oo waliba isku adeegsaday ciidamadii qalabka siday!
Wasiiro loo adeegsanayo RRU waxay iyagu cid u adeegsadaanba! Madaxweyne ku xigeen aan amarkisu soconeynin! Madaxweyne aan hal eray odhaneyn oo dalkii iyo dadku ka masuulka ahaa cidii khal khal ku wada ka qabaneyn! Xisbiga kulmiye waa xisbi kamid ah hantida qaranku leeyahay waana xisbi facweyn waanan soo dhaweynaynaa cidii ka soo baxda ee Alle swc u calfay balse siday ku socoto maaha sidii la yaqiiney. Xafisyadii dawladu way madhan yihin, wasiiradii ayaa kooxo ah, cid ay ka haybadeysanayaan ayaan jirin, dalkii cadow haddii ku soo fool leeyahay cidii kamasuulka aheyd ma ogaba oo kursi ayaa u cad, shir isugu iman kari maayaan danta dalka iyo daryeelka danyarta lagaga hadlayo, xoolihii umadey hotelo ku cunayaan, dee tirin kari maynee Alle kuwan gees dalka ha u dhaafiyo.Diin qaban mayso, dadnimo eegi mayaan, dawladnimo qiimeyn maayaan. xitaa xeerki ay dhigteen ku kala baxa is odhan maayaan.

Gobonimadii ayey god madow ku rideen, Somalia ayey xalaaleeyiin in si bilaa shardi ah loola xaajoon karo, sixir barar ayey dalkii galiyeen, hantidii umadda ayey wada liqeen sida haamaha, dekada guryihii danta guud oo ay u danbeysay gurigi womans club ee mawel ka danbeeyey oo maanta ya ku kala faataxeysteen.

Waxbarashadii ayaa tayo beeshay, biyo la,aan ayaa jirta, abaar ayaa dadkii haysta iwm

dhamaan ilaha adeega bulsho ee dawlad loo doorta ayey dayaceen caafimaadkuna kow ka yahay.

Hadraawi muxu ka yidhi gobonimada gabeygisi gud gude?

Gobannimadu waa libin ku taxan, geeddi nololeede
Waa gumaro aadmigu hantiyo, guusha ugu weyne

Haddii aan gantada loo adkayn, amase gaafaanta
Guddo iyo waxay yeelataa, gulufo shaydaane
Gaadaa dhexdeedaba ka kaca, maalin gelinkeede
Gacmaa lagu xejaa amase way, galab dhaqaaqdaqye
Waa lagu gam’aa amase way, geeri badisaaye
Gob baa lagu noqdaa amase waa, lagu gumooba.

Ku eeg xaalada taagan maanta iyo xukumadda xurmo daran

Garyaqaan Barkhad Jamac Xirsi Batun