Saylici oo amar ku bixiyey inaanay Musharaxiinta la tartamaysaa Huteeladda ku qabsan Xafladdo

0
61

Hargeysa(Waaheen) Booliiska ayaa hotel maansoor ku soo rogay in uu joojiyo xaflad sadex musharax oo kala ah Samaale, Maxamed Biixi iyo Kijaandhe ku qabsadaan xaflad ay saaka ugu yeedheen taageerayaashooda, Guddida fulinta iyo Golaha Dhexe.

madaxweyne kuxigeenkaHotelka Maansoor ayaa ku wargaliyey Musharaxiinta in amarka xukumadda ay u hogaansamayaan, isla markaana waxay sheegeen inaanay xafladdii qaban karayn, taasoo ay khasab ku noqotay musharaxiinta inay ka guuraan.

Sadexda Musharax ayaa saaka balansaday Hotel Guuleed, hase yeeshee isla Guuleed hotel waxa goor dhaweyd la keenay ciidamo booliis ah kuwaas oo ku wargaliyey inaan xaflad lagu qaban jarin, laakiin mulkiilaha Hotelka ayaa ku wargaliyey inay kharash galeen oo aanay joojin Karin.

Cali Guuleed ayaa ka dalbaday Booliiska inay bixiyaan kharashka ay galeen haddii kale aanu joojin Karin xafladda, dooda Booliiska iyo Mulkiilaha ayaa la isku af-garan waayey, waxaana wali jira is mari waa.