Boobe Yuusuf Ducaale oo Soo bandhigay Buug Cusub + Sawiro

0
196

Hargeysa(Waaheen) Qoraa Boobe Yuusuf Ducaale ayaa waxaa uu habeenkii xalay ahaa hotel maansoor ee magaalada Hargeysa ku soo bandhigey buug cusub oo laga magac baxay Dhaxal-Reebka Labaad .

Munaasibadan oo aheyd mid aad loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuulyiin aad  u badan oo ka kala socdey xukuumada , xisbiyada mucaaridka , Ururada bulshada , qaar ka mid ah shirkadaha dalka, qorayaal iyo masuulyiin kale.

Ugu horeyn waxaa munaasibadaasi  ka Hadley gudoomiyaha ururka qolinlayada  somaliland waxaana u sheegay in Muj. Boobe  yahay nin inta badan wakhti galiya sidii uu soo saari lahaa qoraalo dalka anfaca isla markaana buugaag  hore oo uu soo saaray ay noqdeen qaar dadka wax badan u taray uguna baaqayo in uu halkaasi ka sii wado da dedaalkiisa .

Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadley kana war bixiyey ahmiyada buugan iyo wax yabaaha ku qoraan qoraagii buugan qoray mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale waxaana uu xusay in buugani uu yahay buug uu wakhti badan galiyey isla markaana ay ku duugan yahiin wax yaabo badan oo faa,ido leh .

Dhinca kale waxaa munaasibadan ka hadlay masuulyiin kala duwan oo isku jira xubno ka socday jaamacadaha dalka, xubno ka socday shirkadaha shirkadaha dalka iyo ururada maxaliga ah waxaana ay dhamaantood  mahadnaq baaladhan u soo jeediyeen mujaahid Boobe yuusuf Ducaale oo ay ku sifeeyen shaqsi aan halkan lagu soo bandhigi karin wax qabadka ama wax uu dalka ku soo kordhiyey.