Jimciyatul Axbaab oo Umada muslimka ku Hambalyeysay Sanadka Cusub.

0
40

WAR-SAXAAFADEED

 

(Gudoomiyaha Jimciyada Waxbarashada Diinta iyo Qaban –qaabinta Xafladaha iyo Xusaska Diiniga Ah (Jimciyatul Axbaab ) Sayid Muxamed Sayid Cabdilaahi Xaaji Cilmi Nuur  ayaa waxaa uu Hambalyo iyo Duco  u direy Umada Muslimiinta ah meelkasta oo ay daafaha caalamka ka joogaan gaar ahaana Bulshada reer Somaliland isagoo ku hambalyey  Munaasibadda Sannadka Cusub ee Islaamka 1437 (Hijiriyada) awgii oo ku beegan maanta oo ah maalin   Arbaca ah taariikhda milaadiguna tahay 14.10.2015
(Gudoomiyaha (Jimciyatul Axbaab ) Sayid Muxamed Sayid Cabdilaahi Xaaji Cilmi Nuur  waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa in uu Shacbiga Somaliland iyo shucuubta islaamka guud ahaanba sanadkan Sanadkiisa ku gaadhsiiyo Bash-bash, iyo Barwaaqo, inta Buktana uu ka Dulqaado Xanuunka, inta Caafimaad qabtana uu u siyaadiyo, intii dhimatayna uu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo.

Aamiin              Aamiin              Aamiin