Xulka Gobolka Haw doo 3 Gool iyo 1 kaga Badiyey Maroodijeex.

0
89

Xulka Gobolka Haw doo 3 Gool iyo 1 kaga Badiyey Maroodijeex.

 

ciyarHargeysa(Waaheen) Xulka kubada cagta ee Hawd ayaa galabta saddexdii dhibcood ka qaatay dhigiisa maroodi jeex oo ay iskaga horyimaadeen ciyaar ku tirsanayd isreeb-reebka ciyaaraha gobolada Somaliland.

Ciyaaryahanada Ayaanle Good, Amiin Axmed Cali iyo Kabtan Cabdiraxmaan Ilkacase ayaa u kala dhaliyay goolasha Gobolka Hawd qaybtii hore ee ciyaarta, halka qaybtii dambe ee ciyaarta goolka madiga ah uu u saxeexay xulka maroodi jeex ciyaaryahan Gabyaaye.

Labadan xul ayaa mid waliba waxa uu haystaa saddex dhibcood, waxaana u kala hadhay gobolada buuhoodle iyo awdal oo ay iska hor iman doonaan.