Wardegdeg: Koox Hubaysan oo Xalay Weerartay Badhasaabka Awdal + ilaaladiisii oo dhimasho iyo Dhaawac isugu jira.

0
65

Boorama(Waaheen) Badhasabkii Gobolka Awdal oo xalay ka badbaaday isku day dil, halka Afartiisi ilaaliyena labbana la dilay, labbadii kalena dhaawac culusi uu soo gaadhay. Kooxo aan ilaa wakhtigan la aqoonsan ayaa xallay weerar culus ku qaaday Guriga Badhasaabka Borama Mr. Ramaax waxaanay kooxdaasi dishay ilaaladii Badhasaabka.

Wararku waxay sheegayaan in ciidama Qaranka ee Degen Duledka Borama ka soo gaadhen Badhasaabka oo la sheegay in wakhtigaasi kooxaasi albaabka ku jabinayeen Badhasaabka iyaga oo doonaya in ay Dilaan. Ciidama qaranka ayaa Amaanka Borama la wareegay iyaga oo qaarna qabtay qaarna ku dabba jira kooxdii doonaysay in ay badhsaabka dilaan.

Ilaa wakhtigan xukumada Somaliland kamay hadal dhacdadaasi. Laakiin waxa la filayaa in ay saacadaha soo socoto ka hadasho.

Werarka xallay saqbadhkii lagu qaaday badhsabka Awdal ayaa ah mid somaliland ku cusub.