Wasaaradda Maaliyadda oo ka dhintay ganacsatada Reer Saylac cashuur xad-dhaaf ah oo saarnayd shiidaalka

0
56

Wasaaradda oo Tacriifad cusub u samaysay shiidaalka saylac ka dhoofa markii ay aragtay in uu Jabuuti uga yimaado

Saylac(Waaheen) Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa garwaaqsatay cabasho in badan ka soo yeedhaysay Ganacsatada reer Saylac ee shiidaalka u dhoofisa Dalka Yemen, kuwaas oo soo gaadhsiiyey faraq u dhaxeeya cashuurta laga qaado shiidaalka Berbera Yemen looga dhoofiyo iyo ka Saylac, waxaanay wasaaraddu go’aamisay in cashuurta saaran ganacsatada Reer Saylac la khafiifiyo.

Qaar ka mid ah ganacsatada cabashada keenay wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegay inay wasiirka wasaaradda Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan iyo saraakiisha cashuuruhu garwaaqsadeen cabashadoodii isla markaana ay ka dhimeen lacag dhan sagaal Dollar $9, taasoo ka dhigaysa halkii Mitir Tn ee laga qaadi jiray afar iyo soddonka Dollar in laga qaado afar iyo labaatan Dollar.

Ganacsatada Reer Saylac iyo wasaaradda Maaliyadda ayaa go’aan kan isla qaatay kadib markii ay ku wada qanceen in sababta keentay faraqa labada cashuurood ay tahay shiidaaladda soo gala Saylac iyo Berbera, kuwaasoo ka kala yimaada carabta iyo Jabuuti, taasoo keentay in shiidaalka Berbera marka hore dawladdu cashuurta gaar ahaan marka Haamaha lagu shubo, halka Shiidaalka Jabuuti uga yimaada reer Saylac aan marka hore la cashuurin.

Illaa hada waxa jira cabashooyin kale oo ganacsatada Reer Saylac ay ka qabto badeecada iyo shixnadaha ay u dhoofiyaan Dalka Yemen gaar ahaan cashuur Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ku soo rogay Doonyaha ka shiraacda Dekeda Saylac, taasoo ay iyana cabasho ka muujiyeen, hase yeeshee ma jirto go’aan danbe oo ka soo baxay dib u eegis la sheegay in uu Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ku samaynayey lacagtaas uu ku soo rogay oo aan la garanayn meel ay salka ku hayso.