Koox siyaasadaysay xaflad loogu Mahadnaqayey wasiirka Arrimaha dibeda

0
96
Hargeysa(Waaheen) koox ka tirsan garabka xisbiga Kulmiye ee ka soo horjeeda Maxamed Biixi Yoonis ayaa siyaasadaysay xaflad loogu mahadnaqayey wasiiradda  Arrimaha Dibeda iyo gudaha  Somaliland, kuwaas oo qayb libaax ka qaatay xalinta Dil wiil dhalinyar ahaa oo asakri ka tirsan Booliisku ku dhex toogtay dhawaan saldhiga Ibraahim Koodbuur, kadib markii isla Booliisku ay ka soo qabteen Wiilkaasi jagadii Booliisku ay ku Dileen wiil uu dhalay mujaahid Axmed Jabaan , kuwa kale na ku dhaawaceen.Xafladdan oo ay soo abaabushay beesha uu ka soo jeeday marxuumka dhintay oo lagu qabtay Hotelka Maansoor isla markaana ahayd madal qado sharaf ah ayay kooxda taageerta Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo ay iska soo horjeedaan wasiirka Arrimaha Dibedu keeneen Muuse Biixi si ay bulshada ugu tusaan inay Heshiisiinayaan labada Musharax oo maalmahan Loolankoodu gaadhay halkii ugu adkayd.

Sidoo kale, kooxda siyaasadaysay xafladaasi waxay gef kale kula kaceen Suldaanka Guud ee Subeer aawal Suldaan Xasan oo aan madasha joogin, iyagoo Adeerkii ku soofeeyey, isla markaana ka dhigay in uu isagu suldaankii guud yahay, maadaama inta la ogyahay Suldaan Xasan waayahan danbe si weyn uga soo horjeedo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye.

Labada dhacdo ee ay kooxda Guddoomiyaha Kulmiye taageersani ka sameeyeen xafladaas oo ahayd mid lagu kala bogsiinayey Dilkii Askari ka tirsan Booliisku u gaystay wiil dhalinyaro ah oo ka soo jeeda Beesha Axmed Cabdaale (Sacad Muuse) isla markaana ay soo af-jareen labada wasiir ayaa dareen ku abuurtay kooxaha kale ee aan la dhacsanayn qaabka lo oaf-duubay shirkaas isla markaana looga faa’iidaystay Loolanka Kulmiye, iyadoo guddoomiyaha Kulmiye hore loogu dhaliilay inaanu shaqaaqadii carruurtaas lagu dilay aanu wax taageero ah u muujin dhibaatada qoysaskaas haleeshay.

Si kasta ha ahaatee waxa loo baahan yahay in laga fogaado wax kasta oo keeni kara carqalad iyo dhibaato ku xidhiidhsan in Loolanka Kulmiye dhexdiisa looga faa’iidaysto arrimaha Birma-gaydada ah sida xafladaas oo kale oo ahayd mid xaasaasiyadeeda lahayd, isla markaana illaahay waafajiyey labada wasiir iyo cid kasta oo ka hawl-gashay sidii loo soo af-jari lahaa.