Idaacada VOA oo Hawda ka Maqan iyo Yabarow oo Hargeysa ku soo Jeedda

0
118

voaHargeysa (Waaheen) Idaacada laanta Afka Somaliga ee VOA ayaa illaa Shalay hawda ka maqan inkasta oo aan la garanyn sababta hawda ay uga maqan tahay, wararku waxay sheegayaan in Madax VOA Cabdiraxman Yabarow uu ku  soo jeeddo magaalada Hargeysa, isaga wakhti xadirkan ku sugan dalka Djabuuti.

Socdaalka Cabdiraxman Yabarow ayaa tuhuno soo baxayaa ay sheegayaan in uu salka ku hayo  cabashoyin baddan oo shacabka Somaliland ka muujiyeen VOA taasi oo la sheego in warar baddan oo liidi ku ah qaranimada Somaliland isla markana u adeegaya cadawga Somaliland laga siidayo iyo in si fiican wararka Somaliland looga sii dayn idacadaasi sidda wararka kala duwan ee ka dhaca gobolada Somaliland,.