Dharaaro xusuustood Prof. Maxamed Siciid Gees – Qeybtii 42aad

0
88

 

 

“Talo dihatey leegada markii damacu ee geeyey

Ee Aadan iyo ay dhaceen dawladdu haystay

Aniguba dilaal baan ku helay derajadaydii eh”

Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal

Marxuun Cigaal waxa uu dareemay in uu qariib ku ahaa Muqdisho oo xilka uu ku helay dilaalnimo, tuducani waxa uu ku bilaa gabaygii uu jeelka ku tiriyey markii askartu afgembiga ku qabsatay dalkii Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ee madaxdii ku gurtay jeelasha. Arrintaas oo siyaasiin badan oo Somaliland u dhalatay oo filayey inay xilal buuran ka qabtaan Soomaaliya ay ku hambaabireen in kobtu aanay kobtii ahayn mar dambe, taas oo Barafasoor Axmed Ismaaciil Samatar ka dhawaajiyey oo ka badheedhay, Kuwa badanina hoos u sheegaan oo ka xishoodeen inay kaga sanqadhiyaan. Haseyeeshee, hoos ayey u sheegaan.

Dalka Singabuur (Singapore) ee ah Jasiiradda ku taalla Konfurta- bari ee Aasiya, ayaa dhowaan u dabbaal-degay 50 guuradii ka soo wareegtay markii laga eryey Federaalkii Maleeshiya (Malaysia) sannadkii 1965 ee uu goonni-isu-taagay. Maleeshiya oo shidaal iyo macdanta jaandiga (Tin) iyo khayraad badan oo kale lahayd, halka Singabuur ay ahayd Jasiird kaneeco badan oo wax khayraad ah lahayn waqtigaas.Tolow! qolada webiyada leh ee muuska, bariiska, canbaha, saliidda iyo macdanaha kale leh may iska cayriyaan Puntland iyo Galmudug, Somaliland iska ictiraafaan oo waa halkii Aw Koombe eh ay jiifka ku jaqaan nimcadaas.

Aw Koombe oo madadaaliye ahaa ayaa laga hayaa: annaga oo jiifka ku jaqna nimcada ayaa Mudug iyo Majeerteeniya (Puntland) nagu soo biireen, markaas ayaan sara-fadhiisan oo fadhiga ku jaqnay. Wax yar ka dib ayaa Somaliland nagu soo darsatay deeto waa la sara-joogsanay cuntadii, wax yar ka dib ayaa qaxootigii Somali Galbeed noo yimid, deeto orodka ayaan cuntadii ku cunay.

Haddaba, kontan sanno ka dib Jasiiradii Singabuur (Singapore), waxa lagu tilmaamay bulshadda abid, intii taarikhda la garanayo jirtay ee ku guulaysatay in ay horumar nololeed ku gaadho muddo kooban oo konton sanno ah ama fac keliya ah. Konton sano iyo in ka badan, Hargeysa ayaan dhextaagnaa welina dooxii ayaa dameerkii ka dhaaminayaa.

Sannadkii 1965 dakhliga qofka ku soo hagaaga ee Jasiiraddaas Singabuur (Singapore) ku noolaa waxa lagu qiyaasay shan boqol (500) oo dollar sannadkii. Konton sanno ka dib waxa dakhliga qofka Jasiiraddaasi ku nool manta lagu qiyaasaa shan iyo konton kun (55,000) oo dollar!!! Waar bal day. Waa heestii Abwaan Axmed Saleebaan Bidde; “Saw anaa hurdee… Saw lama kal dhaqaaqin!!” In la kala tegay waa u taagnaa. Jasiiraddii waxay ka mid tahay dalalka adduunka ugu hodansan maanta. Waxa la isweydiiyaa sidee ayey ku gaadhay horumarka intaas le’eg, iyada oo wax khayraad ah lahayn? Dadka ku nool jasiiraddaasi waxay ku guulaysteen inay helaan hoy ay galaan, cunto, caafimaad, tacliin iyo shaqo, waa inta qofku u baahan yahay. Boqolkiiba sagaashan 90% waxay ku jiraan guryo ay leeyihiin.

Jaamacadda, lagu barto maaraynta iyo maamulka dawladnimada oo ku taalla Jasiiradaasi oo loogu magac-daray hoggaamiyihii dalkaas Lee Kuwan Yew School of Government, barafasoor wax ka dhiga ayaa sababta lagu gaadhay horumarka intaasi le’eg ku soo koobay saddex qodob:

Meritocracy (Xukunka dalka oo ku jira gacanta xubnaha bulshada ugu aqoon iyo maskax badan), Pragmatism (Ka- soo- dheegashada bulshooyinka kale) Honesty (Hufnaan iyo daacadnimo)

Meritocracy: waxa looga jeedaa in dalku uu la soo baxo muwaadiniintiisa ugu aqoon badan ee ugu maskax badan ee ugu habboon xilalka dalka oo xukunka loo dhiibo. Qofkii shaqo loo dhiibayo oo imtixaan aqooneed ku hela oo ku mutayasta ee aan saami-qabiil iyo reernimo iyo tolnimo lagu xulan oo lagu dooran.

Pragmatism: Waxa looga jeedaa inaan la isku mashquulin in nidaam dawladnimo oo cusub la ikhtiraaco. Dhibaato kasta oo dal la soo darista waa la soo arkay oo dad ayaa la soo kulmay oo xal u helay. Raadso

kuwaas oo soo qaado sida ay ku furdaamiyeen adoo ku salaynayaa waayahaaga. Dunida aad ku nooshahay tijaabooyinka hirgalay ee lagu guulaystay ka soo qaado. Shalaad baratee waa la shubi jiray! Sida loogu heeso marka ceelka loo shubayo xoolaha.

Honesty: Hufnaan ama daacadnimo. Dalalka habaarku ku dhacay ee saboolnimadu raagaadisay waxa sabab u ah, musqmaasaqa. Musqmaasaq waa Soomaali meheradeedii eh. Mar haddii la xalaalaysto xoolaha dalkaas ama beyta-maalka; dalkaasi ha ka sugin horumar iyo bulsho hodan noqota. Inta garaadku gaajaysan yahay guuli waa weli eh, miyuu Abwaan Maxamed Warsame ( Hadraawi ) yidhi?. Fandhaal foodda loo buuxiyaa waa fashiish xumo eh, mar haddii fatalaq loo darsaday fadalku weynaaye. Waa in madaxdu dufanka farahooda iyo dharkooda ka ilaashataa haddii kale waa haddii kale!!!

1964 waxa Wasiirka kowaad ama Ra’iisal-wasaare ka noqday Jamhuuriyaddii Somaaliyeed Marxuun Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, ninkaasi waxa uu la yimi nidaam dawladnimo oo uu ku tilmaamay hadal hays ahaa “Karti iyo Hufnaan” “Merit and honesty.”

Guddomiyayaasha degmooyinka waxa uu u magcaabay rag jaamiciyiin ah oo jaamacadaha dibedda wax ku soo bartay. Agaasimayaalka Guud iyo Wasiirrada sidaas oo kale ayuu ku soo xushay qaar badan oo la dhaliilayeyna waa ruqseeyey. Siyaasadaasi ma tisqaadin ee way xagal-daacday waxay ahayd siyaasad Mudugaysan.

Isaga iyo Adan Cadde tartankii madaxtooyadda ayaa lagaga guulaystay 1967. Abwaan Qaasim oo mucaarid ku ahaa dawladdaasi oo gabayo badan u tiriyey ayaa yidhi isaga oo durayaa guddoomiye Jaamici ahaa oo Burco loo soo beddelay, abwaankuna uu markaas Burco ka shaqaynayey: Kartidii iyo hufnaantii haddii ay hebelo noo keentay, Dad habaar qaba ayaa …………. lagu haleeyaaye, sawkaa hadhuudhkii casaa hawd u raray maaha.

1997 aniga oo ah Wasiirka Qorshaynta ee Somaliland ah, ayaa waxa muddo gaaban la taliye u ahaa Wasaaradda nin khawaaje ah oo ku ciraystay bilaad- Soomal oo welina jooga oo la odhan Jiray John Drysdale. Hadda diintii ayuu beddeshay oo waa Muslimay oo Yacquub ayuu la baxay. John waxa uu muddo badan ku noolaa Jasiiraddaas Singapore, waxa uu ii sheegay inuu asaasay joornaalka caanka noqday ee dalkaas ee Straits Times. Buug ayuu ka qorayey hormoodkii horumarkaas ka madax ahaa Lee Kuwan Yew oo uu ka aflaxay Jaamcadda caanka ee Cariga Ingiriiska ku taal ee Cambridge University, halkaas ayuu shahaado sharciga ah ka qaatay oo derajo cid dhif ihi gaadho ku helay shahaadadii. Mar hadduu sidaas u maskax badnaa waxa uu xushay qofba qofkuu ka maskax badnaa ee ka aqoon badnaa ee ku noolaa jasiiradaasi Singabuur.

John Drysdale, la taliyihii Wasaaradda Qorshaynta ee Somaliland xilligaas 1997 – 1998, waxa uu la yimi talo ah saddex qodob oo Somaliland loogu asaasi karo nidaam horumarineed sida Singabuur, kaas oo ahaa sidatan: In guryaha dalka iyo baloodhada iyo beeraha ee dalku leeyahay la diiwangeliyo oo combuyuutar la geliyo, sidoo kale dadweynaha dalka ku nool la diiwangeliyo, halkaas ayaa horumarka laga bilaabayaa marka dad iyo hantida ma–guurtada ah ee dalku leeyahay la ogaado oo la diiwangeliyo.

Shirkad uu lahaa John Drysdale ayaa Marxuun Cigaal u oggolaaday inay hawshaas fuliso, balse waxa qudha ee kaalmo loo helnay in beeraha Goballada Galbeed (Maroodijeex, Gabiilay iyo Awdal) lagu hirgeliyo mashruucaasi (Cadastral Survey), tii guryaha waa socon weyday oo Maayarkii Caasimadda ayaa is-hortaagay oo fahmi waayey ujeeddadii mashruuca.

Arrintii diiwangelinta dadweynaha oo Wasaaraddu qaabilsanyd oo Madaxweynihu amar ku siiyey; markii khabiirkii tirokoobka ee mashruuca qorshayn lahaa la soo helay oo haya’dda ICD ( Progresso) ay Wasaaradda ku taageertay ayaa la iga beddelay Wasaaraddii, hawlihiina halkaas ayey ku istaageen oo iigu danbaysay .

Ma moodaa boowe? Inaanu riyoonaynay marka aan is lahayn Shankaroon, Singabuur (Singapore) labaad ka dhiga ee aannu shaqadda u lugayn jirnay! Kontankii sannadood, labaatan iyo afar waa tageen, intii Somaliland goonni-isu-taagtay, waxna la tag-taag nin iyo tamartii. Beenaw! Labaatanka iyo lixda sanno ee kale ma la heli karaa qof (Rag iyo Dumar midku doono) oo dalka horumar gaadhsiiya!