Madaxweynaha Somaliland oo safar ugu baxay dalka Dibadiisa.

0
45

siilaanyoHargeysa (Waaheen)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa la filaaya inuu socdaal shaqo ugu baxo dalalka Ireland iyo Ingiriiska. Madaxweynaha iyo Waftiga uu hoggaaminaayo ayaa la filayaa inay dalka ka dhoofi doonaan bari Axdda, ka hor intaanu Madaxweynuhu gaadhin Dalalka Ingiriiska iyo Ireland, waxaa la filayaa inuu sii maro waddanka Imaraadka Carabta.

Waftiga Somaliland oo marti qaad rasmiya ka helay Madaxda Dalka Ireland, sida uu warar xogogaal ah ku helay Wargayska Somalilandtoday, waxaa la filayaa inay wadahadalo dhinacyo badan taabanaaya  dhex maro labada dhinac. Xidhiidhkan cusub ee Somaliland iyo Ireland ayaa laga rajayn karaa inuu waxtar xoogan ku yeesho qadiyada Jamhuuriyadda Somaliland dadaalka ugu jirto Ictiraaf ay ka hesho beesha Caalamka.