Madaxweynaha Somaliland iyo Wafti uu hogaaminayo oo barri Safar ugu baxaya Dalka Ireland

0
76

silanyoHargeysa(Waaheen) Wefti uu hogaaminayo Madaxweynaha Somaliland, Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa la filayaa in ay beri socdaal ugu anababaxaan dalka Ireland, sida ay noo xaqiijiyeen Illo wareedyo lagu kalsoon yahay oo si aad ah ugu dhuun dalloola Madaxtooyada.

Socaalkan weftiga Madaxweynaha oo ay ku wehelin doonaan xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ee xumuumada, ayaa la sheegay in uu ka danbeeyay martiqaad rasmi ah oo ay ka heleen dawlada dalka Ireland, waxaana la filayaa Madaxweynaha iyo weftigiisu inta ay joogaan dalkaaa in ay kulamo la yeelan doonaan Raysal Wasaaraha Dalka Ireland, iyo Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka dalkaa, iyo Laba musharax oo ka tirsan musharaxiinta u tartamaya doorashada madaxtinimada ee dalkaa laga qaban doono, waxaana la filayaa in ay masuuliyiintan ka wada hadli doonaan arrimo khuseeya xidhiidhka labada dal iyo sidii ay dawlada Ireland, uga qeyb qaadan lahayd taageerada horumarinta Somaliland.

Illaa iyo hada si rasmi ah looma oga mudadda uu qaadan doono safarkan weftiga Madaxweynuhu ay ku tagayaan dalka Ireland, iyo halka ay u sii dhaafi doonaan marka ay dhamaystaan socdaalka ay dalkaa ku tagayaan, balse, waxa wararka qaar ayaa sheegaya in marka ay weftiga Madaxweynuhu dhamaystaan safarkooda dalka Ireland, in ay u sii dhaafi doonaan dalka Sweden.

Ma jiro wax war ah oo rasmi ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland, oo ku saabsan socdaalka Weftiga Madaxweynaha.